Dad-weeynaha W.bari Kenya waa in Afti laga qaado.

W-Kenya-(Rajonews) Bulshada gobolka wuqooyi bari, muddo dheer waxaa haysatay tacadiyo isugu jiray dilal, xasuuq, kufsi, dhac iyo takoor; dad shacab ah oo carruur, dumar iyo waayeel ku jiraan ayaa meel lugu wada xiray oo aan cunto iyo biyo la siin. Shacabka gobolka wuqooyi bari waxaa loo diiday xuquuqihii aasaasiga ahaa sida xorriyad, maamul iyo horumar.

 

Xadgudubyada gobolka wuqooyi bari waxaay ahaayeen ku-tala-gal waxaayna taabteen dareenka wanaagsan ee bani-aadamka iyo Sharuucda Caalamka gaar ahaan xuquuqda bani-aadamka (human rights), Qawaaniinta Madaniga ah (public International Law: self determantion) iyo mabaadii’da aasaasiga u ah Ururka Midowga Africa.

 

Haddaba, maxaa sabab u ah dhibaatooyinka gobolka wuqooyoi bari (Soomaalida) haysata? Jawaabtu waxaay tahay, shacabka gobolka wuqooyi bari ayaa loo diidan yahay xuquuqdooda aasaasiga ah: xorriyad, maamul iyo horumar. Waxaana markhaati u ah taariikhda gobolka iyo dadkiisu ay leeyihiin. Tusaale:

Gobolka wuqooyi bari wuxuu sammaysmay 1902 oo laga jaray Jubaland (Juba-Tana) wuxuuna ka mid noqday dhulkii la isku oran jiray EastAfrica xilligii Ingiriiska (1902-1963).

Shacabka wuqooyi bari (NFD) naacow xorriyaddeed ayaa qalbigooda wada taabatay dhammaadkii Daggaalkii II ee Adduunka (ww. II) kolkii dhulalka Soomaalidu ay gacanta Ingiriiska wada galeen oo wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriisku, Ernest Bevin uu soo jeediyay (1946) in dhulalkii Soomaalida xorriyad la siiyo inta u dhexaysa 1950 ilaa 1960.

 

Charles Filiot, ayaa soo jeediay 1902 in gobolka wuqooyi bari xorriyad la siiyo si haddii uu doono uu ula midoobo Soomaalida kale oo ay wadaagaan dhaqan, luuqad iyo nolol miyi; qunsuliyaddii Ingiriiska ee Caden (1850-1894 ) ayaa isku dayday in ay Soomaalida mideeyso isla markaana ay ka caawiso dhibaatooyin kala duwan oo haystay xilligaas; hase ahaatee arrimahaas ma suurogalin sababbo jiray awgood.

 

Aragtidii Erist Bevin, ee ahayd in xorriyad la siiyo dhulalka Soomaalida, waxaa soo dhaweysay waxgaradkii iyo siyaasiyiintii Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa NPPP (Northeren People’s Prograsive Party) oo markiiba xafiis ka furtay NFD; hase ahaatee, 1948 isbeddel ayaa ku yimid aragtidii Ingiriiska ee ahayd in dhulalka Soomaalidu ay aayahooda ka tashadaan.

 

Bulshada gobolka wuqooyi bari oo aan ogayn isbeddelkii ka dhacay ayaa wasiirkii u qaabilsanaa tastuur-u-samaynta Bariga Afrika (East Africa) wuxuu NFD u diray guddi madax-bannan (survey) oo soo ogaada aragtida dadka wuqooyi bari ee ku aadan aayo-ka-talintooda (1962).

 

Guddigii waxaay la kulmeen 134 wafti oo ay soo dirsadeen bulshada toddobada degmo (7) ee gobolka  wuqooyi bari ka kooban yahay, waxaana u dhiibeen 106 nuqul (ducoments) oo caddaynaya dadka gobolku waxa ay doonayaan; guddigii (Independent Committee) markii ay Nairobi ku laabteen waxaay la kulmeen hoggaamiyeyaalkii siyaasadda ee gobolka wuqooyi bari.

 

Ugu danbayn guddigii guddigii madax-bannaanaa (Independent Committee) waxaay caddeeyeen in dadka gobolka wuqooyi bari ay doonayaan in ay ka go’aan Kenya inteeda kale oo ay la midoobaan Soomaaliya.

 

Hase ahaatee, najiidadii guddigu ka keenay dadka wuqooyi bari lama yeelin, waxaayna u muuqatay curyaamin lugu diidan yahay xorriyadda iyo rabitaanka ummadda gobolka wuqooyi bari.Waxaana xigay: Kenya oo ka jawaabaysa doonista shacabka NFD laba todobaad kadib ku dhawaaqday state of emergency.

 

Waxaana xigay in xoog lugu qabsaday gobolka wuqooyi bari; in guddi calaamadeeya xuduudaha degmooyinka Garisa,Wajeer iyo Mandera loo diray; in siyasiyiintii gobolka loo aqoonsaday shifta War; in shacabkii NFD ay sammeeyeen mudoharaadyo ay ku doonayeen aayahooda; in Madaxdii ururradii siyaasadda gobolka wuqooyi bari ay qaadaceen doorashadii Kenya ka dhacday 1963; Kenya waxaay dajisay laba qorshe oo gobolka u gaar ah sannadkii 1963, kaas oo aan isbeddelin ilaa hadda (2013):

 Qorshaha hore: waxaay ula baxday shifta war wuxuuna xoog u socday 1963-1982; madaxdii xisbiyada siyaasadda ayaa la xiray 19763 ilaa 1970; gobolka wuxuu go’doon ka noqday adduun-weynaha iyo qaybaha kale ee Kenya si looga hortago in warbaahinta iyo xildhibaanadda baarlamaanku ay ogadaan dhibaatooyinka lugu hayo shacabka gobolka wuqooyi bari; Kenya waxaa lugu eedeeyay in ay xasuuqday dad shacab ah isla markaana ay gubtay tuulooyin ay ku noolaayeen dad rayid ah; dad tiro badan ayaa meel lugu wada xiray oo aan cunto iyo biyo la siin muddo dheer (concentration camp); Kenya waxaay u isticmaashay howlgalkaas bandit.

 

Qorshaha labaad: dowladda Kenya waxaay u sammaysatay shacabka gobolka wuqooyi bari ciqaab u gaar ah laga soo bilaabo 1902, in kasta oo xadgudubyada xuquuqda bani-aadamka lidka ku ah ee ka dhaca degmooyinka Garisa, Wajeer, Moyale, Marsabit, Isolo Lijara iyo Mandera ay xoogaysteen intii u dhexaysay 1950 laa 2013. Ujeedkiisu qorshuhu wuxuu ahaa in ay ka hortagto mucaaradka (Counter-insurgency), waxaayna dejisay lugu ciribtirayo rabitaanka iyo awooddooda siyaasaddeed ee shacabka wuqooyi bari, wuxuuna socotaa kontan sanno (50).

 

Bishii November 1980 waxaa Bulla-Kartasi dhacay xasuuqii estatemasscare oo dabasocday lix sarkaal oo ciidammada Kenya ah oo lugu dilay Gaarisa; waxaa hub lugu garaacay tuulooyin ay ku dhinteen dad u badnaa dumar iyo carruur oo xoolo-dhaqato ahaa; dad rayid ah oo carruur, dumar iyo waayeel u badan ayaa lugu xiray dugsiga hoose ee Gaarisa waxaana lugu hayeey saddex casho oo aan cunto iyo biyo la siin (concentration camp).

Bishii February 1984, waxaa dhacay xasuuqii Wangalla, ciidammada Kenya waxaay ku duuleen Degoodiye oo ah beel Soomaaliyeed oo degta Wajeer waxaayna xasuuqeen dad lugu qiyaasay 5,000 oo qof (shan kun); meelaha kale ee xukunka deg-dega ah lugu fuliyay oo shacab lugu xasuuqay waxaa ka mid ah Malka-mari, Garse, Derkali, Dandu, Takase iyo Mandera.

 

Kenya gobolka gobolka wuqooyi bari waxaay u sammaysatay ciqaab u gaarah: saraakiisha ciidammada ayaa awood loo siiyay in ay ciqaabaan dad aan maxkamd la gayn; qofkii hub lugu arko ama martigaliya qof hubaysan waxaa lugu xukumay dil, xabsi dheer iyo hantida oo lagala wareego; qofkii gaadiid sida doon ama hanti kale ku haysta WebigaTana waxaa lugu xukumay xabsi daa’in iyo hantida oo lagala wareego; waxaa la sharciyeeysatay in gobolka wuqooyi bari lugu galo warqad safax (ID) marka laga reebo ciidammada iyo shaqaalaha dowladda Kenya; saraakiisha ciidammada waxaa awood loo siiyay in ay samayn karaan xarig, xukun-ciqaabeed, baaritaan; waxaa kaloo awood loo siiyaay in ay joojin karaan dacwadaha (judicial trails) quseysa qodobbada 386 iyo 387 oo tilmaama hab-raaca denbiyada (crime code procedure) arrimaha la xariira qof ku dhintay gacanta ciidamada ammaanka ama xabsi.  

  

Shacabka gobolka, waxaa lugu hayaa takoor u gaar ah iyada oo loo isticmaalayo awoodda dowladda waxaana caddeynaya arrimaha quseeya xuquuqda muwaadinka sida warqadda dhalashada, warqadda aqoonsiga iyo baasaboorka. Sannadkii 1989 Kenya, gobolka wuqooyi bariwaxaa ka dhacay tirokoob u gaar ah Soomaalida; dowladda Kenya waxaay diiwaan-galisay Soomaalida gobolka wuqooyi bari waxaayna masaafurisay dad la sheegay in ay doonayeen ka-mid-noqoshada Soomaaliya. Kenya oo dadkaas ka hadlaysay waxaay tiri: “u dulqaadan mayno dad iska dhigaya muwaadimniin Kenyaan ah laakiin mucaarad ku ah Kenya.”

 

Waxaa xigay in Kenya ay samaysay guddiyo ka kooban maamulka dowladda, ciidammada ammaanka iyo odey-dhaqameed oo caddeeyaan dadka jinsiyadda Kenya xaqa u leh (citizenship)iyo kuwa aan u lahayn; dad la sheegay in guddigaas caddayn waayeen ayaa Soomaaliya loo masaafuriyay 1984. Masaafurinta iyo tirokoobka Soomaalida gobolka wuqooyi bari u gaarka ahi waa xadgudub marka la eego xuquuuqda bani-aadamka iyo xuquuqda muwaaadinka si kastaba ha ahaatee arrimahaasi waxaay su’aallo ka abuureen qodobka 22 ee tastuurka Kenya.

 

Gobolka wuqooyi bari waxaa ka muuqda horumar la’aanta, marka la eego nolosha dadka, kaabayaasha, dhaqaalaha, tacliinta arrimaha bulshada; 80 per cent dhaqaalaha gobolka wuxuu gala ciidammada si ay u hayaan nidaamka iyo kala-danbaynta, arrintaas oo muujinaysa in horumarinta gobolka wuqooyi bari ay yarayd muddodii 50 sanno ahayd ee uu socday emergency laws.

 

Intii ay jirtay dowladda wadaagga ah, waxaa dhacayeey xadgudubyo lidi ku ah xuquuqda bani-aadamka oo salaysan jinsiyad iyo curyaamin; waxaan wada shaqayn awoodda dowladda Kenya, dareenka wanaagsan iyo sharciga; lama isticmaalo hab-raac la yaqaan oo sharciyeed. Curyaaminta dhaqaalaha shacabka tusaale waxaa u ah suuqa Gaarisa (suuq Mugdi) Nov. iyo Dec. 2012.

 

Ciidammada Kenya ee gobolka wuqooyi bari ka howlgala waxaay qabatimeen dhaqan dulmi ku dhisan: mususuq-maasuq, boob, xirig, kufsi, dilala iyo kala-qaybin Soomaalida lugu sammeeyo oo wali socota. Sannadkii 2001 baarlamaanka Kenya waxaa loo gudbiyay motion lugu doonayeey in galbeedka Wajeer laga qaado xukunka deg-degga ah xilligaas ilaa hadda 2013 jawaab lagama hayo Baarlamaanka iyo dowladda Kenya.

 

Kala Duwanaansha sharciga Kenya, marka ciidammo loo beddello wuqooyi bari waxaa la siiyaa tababbarro dheeraad ah lugu dugsiyo midkood ku yaal Gaarisa: ciidammadu ma xirtaan dharka ciidanka (dress/uniform) iyo numberka ciidanka, (traffic-da waa ka mid).

Magaalooyinka la wada dego waxaa ka mid ah Mooyaale, Marsabit iyo Isiolo oo hoos taga Embu, ujeedkii looga gogeeyay gobolka NFD itiisa kale laga fogaynayo, taasina waa tilmaan kale oo muujinaysa xaqiraadda Kenya ku hayso dadka wuqooyi bari.

 

Ilaa hadda ma jiraan cid lugula xisaabtamay tacadiyadii qaybta ka ahaa waajibkoodii raggii gaystay xadgubyadii ay ku jireen xasuuq, kufsi, xarig, jirdil, boob iyo wax isdamamarin. Waxaan kaloo jirin cid xadgudubyadaas ka xun marka la eego Kenya.

 

Haddaba, Maxaa la gudboon shacabka wuqooyi bari?

 

Waxaa la gudboon in ay iska daayaan maaweellada oo AFTI dadwayne laga qaado. Sababta oo ah, marka la eego sharuucda caalamka, gobolka wuqooyi bari wuxuu mar hore iyo hadda xaq u leeyahay in dadka la waydiiyo waxa ay doonayaan, mustaqbalka gobolkuna taas ayeey ku xiran tahay.

 

 

A.   Gurato-talosuge@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.