Xulka Kubadda Koleyga dalkeena oo si dirqi ah looga adkaaday

Muqdisho(Rajonews)Xulka kubada Kolyga Dalka Rwanda ayaa u soo gudbay Finalka Koobka FIBA Afrika Zone 5 kadib markii si dirqi ay ugu adkaadeen Soomaaliya.

Xulka dalkeena ayaa dadaalay oo hogaanka u hayay Ciyaarta wax badan balse usha ayaa u dhacday dhanka Rwanda.

Maxamad Xaaji oo ahaa Xidig Fir fircoonaa ayaa ka jabay Xulka dalkeena taas ayaana ugu wacan inay dib u dhacaan.

Ciyaarta waxaa xiiso usii yeelay hambalyadii uu u diray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  ciyaaryahanada Soomaaliya ee Tanzania jooga.

Bilowgii qeybtii hore waxaa Ciyaarta hogaanka u haysay Rwanda hayeshee markii dambe ayey wax is badaleen oo Rwanda la jahwareeriyay Islamarkaana Xidigaha dalkeena dheesha garoonka iyo Hogaanka Ciyaarta la wareegay walow isbadal uu dhacay.

Xidigaha dalkeena ayaa muujiyay dadaal weyn taas waxaa qirsan Macalinka Rwanda iyo shacabka reer Tanzania,waana la ogaa wixii ay dhigeen xidigaha sooma jeestanka ee dalkeena.

Natiijada Ciyaarta

SOOMAALIYA 83

RWANDA 86

Xulka Rwanda ayaa Finalka waxaa ay la ciyaarayaan Xulka Masar oo 88-41 kaga soo badiyay xulka Kenya.

Maanta ayeyna dhaceysaa ciyaarta kama danbeysa ee loogu soo baxayo koobka qaramada Afrika ee kubada kolayga, saacada Afrikada bari marka ay tahay 8pm.

Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa dadaalay intii uu tartankaan socday, waxaana ay Group B kaga soo baxeen kaalinta koowaad iyagoo garaacay wadamada Kenya iyo Burundi. Taageerayaasha Soomaaliyeed ayaana muran la’aan u arko Xidigaha dalkeena inay yihiin geesiyaal howl qaran qabtay.

Soomaaliya kama aysan ka qeyb galin ciyaarahaan dhowr sano,markii ugu horeysana ciyaaro lala dhacay ayey sanadkan ku soo bandhigeen Tanzania,hadaba waxaa laga fishaa Mustaqbalka dhow ayaa ah in Koobka Ciyaarahan ay u soo hooyaan Soomaaliya.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.