Gaarisaay ma ila Gumowbaa?!

Faallo-(Rajonews) Ha u qaadan dhaleecayn. Ha u qaadan dhib iyo dhabbaqo abuur. Ha u qaadan dareen xun tabin iyo durid. Ha u qaadan doc wareen ama doc faruurid. Ha u qaadan fidno iyo fawdo abuur. Intaa iyo intoo kalaba ha u qaadan. Maxaa yeelay intaaba ujeedku ma ahan, ee bal sadarradan ila wadaag.
Dadka Soomaalida ah inta uusan imaan Gumaysiga ma lahayn hannaan dawladeed oo mideeya, aan ka ahayn midka GUURTIDA oo aan isna dhaafsiisanayn GOOFKA ama GALKA lagu nool yahay. Gumaystihii kala qaybsaday Soomaali ee kala ahaa Faransiis, Igiriis iyo Talyaani, waxay soo kordhiyeen dhib aan hore u jirin oo ay iyagu abuureen.
Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaaye” Ururkii SYL ayaa hore u galay qalad taariikhi ah, ka dib markii ay ku gacan sayreen taladii Igiriiska ee ahayd in tobanka sano ee maamul hoosaadka lagu jiri doono isaga loo daayo maamulka dalka, isna uu ballan qaado in Shanta Soomaali afar ka mid ah uu isu keeno, marka Jabuuti laga reebo. Go’aankii la qaatay wuxuu ahaa hal ku dhaggan: “Four Power”oo markaa kala ahaa Maraykan, Igiriis, Rush iyo Faransiis, oo ka guulaystay Xulufadii Naaziga iyo Faashiistaha eeTalyaani iyo Jarmal kala hoggaaminayeen. Dhabar jabkii laga dhaxlay, waa midda aan cinwaanka ugaba dhigay qormada.
Soomaalidu waa is taqaan, deegaan iyo dad ahaanba. Qof walba iyo qolo walba xan iyo xiiso waxay tahayba waxbaa lagu sheegaa. Haddana, si xaal yahayba, sidii dagaalka sokeeya ugu dillaacay Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa dhacay ishdexgal ballaaran oo aan horay u dhicin. Taana waxay keentay in si fiican la isu sii barto, oo kaliya ma ahane, ku tiri ku teentii hore iyo dhag ka maqal badani meesha ka baxeen.
Taa ka sokow, sidii ay Kenya u gashay gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliyasannad ka hor, waxaa soo badanayey codad ka soo yeeraya Soomaali ka soo jeedda Gobalka Waqooyi Bari Kenya, oo dhammaan ku aaddanaa in Kenya xaq u leeday inay ku duusho Soomaaliya. Qaarkood waxayba sii sheegeen in Soomaali la kala qaybsho. Waxaan tusaale u soo qaadan karaa, Faaraxan Macallin oo yiri: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…”.
Hadalkaa xumaan abuurka ah marka laga soo tago, waxaa kaloo jiray taageero kale oo si hagar la’aan ah Keenyaanka loogu garab siiyey sida midda Maxamed Yuusuf Xaaji, oo isna dhankiisa aan hiil af iyo addinba kala bakhaylin. Waa maroo waa Wasiirka Gaashaandhigga, waa marka kaloo wuxuu ku jiraaKooxda Kenya ku maleegta Karinta Dheriga Kismaayo, oo dabcan ku kaaban qabiil.
Hal hilmaamin Gaandi oo isna noqday udub dhexeedka colaadda Jubbooyinka. Waaba su’aale Axmed Madoobe iyo Gaandi ninna kuma dhalan Jubbooyinkee, maxay tahay sheekadan cayn wareegsan? Mise waa: “Ku qabso ku qadi mayside!”? Waa yaabka yaabkiisa, bal ila eega.
Haddii marar badan aad maqashay waxaa muran adag ka taagan yahaymaamul u samaynta Jubbooyinka, waxaan kugu marti qaadi lahaa inaad ila eegto eraydan uu yiri Axmed Madoobe oo Horjooge u ah kooxda RAASKAMBOONI. Si aad u ogaato meesha sartu ka qurun santahay ee la isku mari la’yahay. Mar uu ka hadlayey arrintaa wuxuu yiri sidan: “Waxaan dawlada ka codsaneynaa inay yimaadaan oo hawsha maamul u sameynta ay la gudoomiyaan IGAD oo ay isdhinac fariistaan, annagu ma qabno in la yiraahdo IGAD meesha haka baxdo.
Waan u soo laaban doonaaye, aan mid ay salka ku hayso kuu sheego. Waa shirarka Nairobi had iyo jeer ka dhaca, ee haddana aysan u dhammayn beelaha wada dega Jubbooyinka. Shirarkan ma billaaban maanta iyo shalay. waxay soo socdeen in ka badan shan sano, oo si is daba joog ah loogu qabanayeyImaaraadka iyo Kenya. Dhammaanna ay taakulayn jirtay Dawladda Kenya, gaar ahaan ragga af Soomaaliga ku hadla ee ku  jira Maamulka Kenya. Haddana, ay si toos ah ugu soo beereen intooda kale, maadaama aysan qarsoodi ahayn hanka Kenya ay ku doonayso Shidaalka Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa jiray shir dhexmaray garab ka socday oo metelayeyKooxda Raaskambooni iyo Maamulka Addis Ababa hoos taga ee ka taliya Soomaali Galbeed ee uu hoggaansho Cabdi Ileey. Illaa hadda ma cadda waxa ay ka wada hadleen. Balse, weydiinta baa ah, inta beelo Soomaaliyeed deggan Jubbooyinka iyo Gedo, maxaa keenay in Soomaali Galbeed af garasho laga doonto? Bal dhan kale ka eegoo, saw Soomaali Galbeed ma ahan waxa ay eersatay Dawladdii Soomaaliyeed? Abaalkii ma wuxuu noqday in ay Beel ahaan Qabqablayaal u taageeraan, halkaanna ka maamulaan? Isma qabanayso.
Maahmaah Talyaani ah ayaa waxay leedahay: “Non c’è due senza tre” oo ka dhigan: “Labo aan saddax lahayne ma jirto” oo laga wado, wixii laba mar dhaca waa inay mar sadaxaad dhacaan. Waxaa jira shir ka dhacay Garoowe, oo u dhexeeya masuuliyiin ka socday Madaxda Maamulka Gaarisa eeWaqooyi Bari Kenya iyo Maamulka Bari. Ujeedka waxaa lagu sheegay in lagu mataanaynayo labada magaalo! Weydiinta baase ah; qaabkee loo mataanaynayaa? Labada magaalo midna waa xor, oo Soomaali ayey ka mid tahay, midna waxay wali ku jirtaa gacan gumaysi, Kenya ayey hoos tagtaa.
Aniga ogaalkay ma arag mana maqal meel ay Dawladda Soomaaliyeed uga tanaasushay deegaannada lagu muransan yahay. Waxaan wada xasuusannaa, inDastuurkii u dambeyey ee la qoray uu dhigayo in xuduudaha dalka loo daayo sidii Gumaystuhu uga tagay, oo Soomaaliya wali dood ka qabto sida wax ahaayeen, teer iyo markii xornimada iyo Midawga Waqooyi iyo Koofur la helay.
Weydiinta kale baa ah, horta Gaarisa ma waxay doonaysaa sideeda oo kale in Gun la sii ahaado, mise? Laga yaabee, in ka weydiin ahaan ay aad u qallafsan tahay. Balse, maanka ku hay waxa aan u cuskaday oo ah maangal iyo marag ma doonto. Wixii kale ee la isku qancin karo, ee leh maamul iyo dawladi nagama maqna ama aragti qabiil ku salaysan waa meeshooda.
Midda la iska indha laabayo baa ah, magaalada la doonayo in lala mataaneeyoGaarisa, waxaa maamula nin xilkii loo dhiibay waqtigiisa intuu ka dhacay,Dastuur jeebkiis ah samaystay ee qol mugdi ah ku soo ansaxsaday ee sannad ku darsaday. Haddaba ma awoodaan inay ku dhahaan Adeer meesha doorashaad ku tumide, dookha dadka u hoggaansan? Haddii kale, waxay iska noqonaysaa isla go’aankaa xaaraanta ah ee qolka gudcurka lah lagu qaatay “Bil saddaxa gurigaaga waa kaa saartaa guri kalase kuma gaarsiiso”.
Haddii Sooyaalkii la hilmaamay, oo la noqday sidii: “Illow dhawaa ma Umulaa?!” Aqriste, waxaad is barbardhigtaa, Maxamed Siciid Moorganwuxuu 1991-1992 ka lahaa Magaalada Kismaayo, liilkan hoose ka daawo:
http://www.youtube.com/watch?v=5Dae00I_qtQ&feature=player_embedded
Iyo HAL AQOONNADAN waxa ay ka leeyahay Magaalada Londan. Iyana liikan hoose ka daawado:
Dhanka kale, sidii Kenya u gashay gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa soo badanaya dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaataynayo magaalooyinka ku yaal Waqooyi Bari Kenya. Dadkaa oo awalba hore u dhibbanaa, ayaa maalmahan dambe la kulmay dhibkii hore mid ka sii badan. DHACA, KUFSIGA, BOOBKA iyo HANDADAADDO waa u joogto QAXOOTIGASoomaaliyeed ee ku jira xeraya IFO, DHADHAAB iyo XAGARDHEER.
Aqriste, hubaal inaad in badan maqashay eraga MOORYAAN! Ma is weysiisay yaa MOORYAAN ah? Maxaa lagu noqdaa MOORYAAN? Jawaabta aan kuu daaye, bal labadan dhacdo is barbardhig. Dhawaan Magaalada Muqdisho iyo Deegaanno ku dhawdhaw sida Agooye iyo Marka waxaa laga soo sheegay inay ka dheceen falal KUFSI. Dad badan ayaa ka carooday, oo dabcan maanka ku haya MOORYAANtaa yaa dadka ka qabta? Balse, dadka ka carooday inta Deegaanka Waqooyi Bari ka dhacday Alla yaraa, ee waliba FAL MOORYAANNIMO u aqoonsatay?.
Taa kaliya ma ahan sheekadu. Ee aqriste, ma kula tahay in falalkaa ay ku kacaan Keenyaanka oo kali ah? Micnaha Keenyaanka ka soo jeedo Qawmiyadaha kale, oo aan Soomaali ku jirin? Marka aad u dhabbagasho waxa ka dhacaya deegaannadaa, horana uga dhici jiray, balse, kolkii hore koobnaa, waxay kuu caddaynaysaa in dhibaatada xooggeed ay masuul ka yihiin dad Soomaali ah.
Maxaa yeelay, marka laga soo tago in marti loo yahay, marka laga soo tago inSoomaali la wada yahay, marka laga soo tago in Muslin la wada yahay, marka laga soo tago in daris la yahay, marka laga soo tago intaa iyo intoo kale, suuragal ma tahay dad xero ku jira, ee aan magaalka joogin ama deganayn in tacaddiyada intaa la eg loo gaysto, oo aan waliba wax tallaabo ah laga soo saarin? Laga yaabee, inaad maqasho hebel baa hadlay iyo hebelbaa walaac ka muujiyey. Kuwa sidaa lagu tilmaamayo saw ma ahan kuwa balaayadan oo dhan abuuray ama u sacab tumay. Waa meeshii laga dhihi jiray: “Qosolba hiillo waa gala!
Dhanka kale, dhawaan doorasho ayaa ka dhici doonta dalka Kenya. Waxaa hubaal ah in Soomaalida deegaanka uusan u qalmin in uu matelo wax la mid ahFaarax Macallin iyo Maxamed Yuusuf Xaaji. Saa waxaan u leeyahay dadkii ay meteleen wax ay u qabteen ma jirto. Waxayba u horseedeen deganaasho la’aan iyo qalalaaso hor leh, ka dib markii ay qayb ka noqdeen mashruuca lagu JUFEEDKA ee lagu jarjarayo Jubbooyinka.
Isla wadiiqada doorashada kenya, waxaa jirta qorshe siyaasadeed, oo laga yaabo in laga hirgaliyo Kenya, oo qeexya nidaamka Federalka. Aqriste, ma kula tahay kuwan inay ka warqabaan ujeedka laga leeyahay? Waayaha ayaan u daynayaa warcelinta weydiinta.
Aan u laabto hadalka Axmed Madoobee, mar dhexdaa ah baa,C/naasir Seeraar oo isku sheegay af hayeenka Kooxda Raaskambooni, ayaa sheegay in dawladdu aysan soo faragalin karin Maamul u samayntaJubbooyinka! Waaba su’aale, haddaa yaa soo faragalinaya? Ma Cabdi Ileeyga Jigjiga jooga? Ma Faarax Macallinka Gaarisa jooga? Mise, waaba midda ugu xume, Kismaayo Soomaaliyaba kama mid ahan? Anigu ma garan! Aqriste, adiguna? Mise macnayn karaa, Mooryaanta xoogga ku degtay dhisamaha Jaamacaddii Kismaayo?! Xarumaha Muqaddaska yaan la haraysan!
Af hayeenkan Mooryaaneeyey hadalkiisa marka laga soo tago, maxaa looga biya diidsan yahay in inta ANJABIGA xagga la soo dhigto si Soomaalinimo ku jirto loo wada hadlo? Maxaa ku jaban in inta la is horfariisto si furcaddi iyo waji furnaan ah loo wada hadlo, oo wixii la kala qabo si toos ah la isugu sheego? Waa maxay baahida keenaysaa in Dawladdu dhinac fariisato IGAD si maamul loogu sameeyo Jubbooyinka? Weydiimuhu kala hakan maayaane, aan bal dhan kale kaa tuso sheekada.
Waxaa jirta sheeko Baralleey maalmahan suuqyada iyo seyladaha beenta lagu kala wareejiyo sabbaynaysa. Heer ay ku dheceen dad badan, iyagoon iska fiirin ma runbaa mise waa ku tiri ku teen? Illeen dadka intiisa badan caadifad qabiil baa hagaysee. Sheeko xariiradaa waxay tahay in Xasan Sheekh uu laba cod ku kala hadlay, oo Baydhaba iyo Beledweyn ka yiri MAAMULKIINA DHISTA. Halka uu Jubbooyinka yiri: DAWLADDAA MAAMUL IDIIN DHISAYSA!
Hadalkaa macmamlka ah ee gacan ku rimiska ah dadka iska qaatay waxaa ka mid ah Xildhibaan Cali Khaliif Galayr, oo dhawaan booqashadii Xasan Sheekh ee Maraykanka hadalkaa soo xigtay. Horta waa su’aale isagu ma hoggaanka Khaatumaa, mise Jubbooyinkana inuu nuddeeda wax ka xiro ayuu doonayaa? Miyuusan xasuusan isagoo ciirsi la’ taagan in Sheekh Shariif gacan gobeed u fidiyay, iyadoo waliba ay ka soo horjeedeed inta badan Wasiirrada Xukuumaddii Gaas iyo iyo Gaasba qushiisuba?.
Dhanka kale, marka uu hadal suuqeedka la imaanayo, oo waliba quseeya gobol aan ahayn kii uu xaarxaartay, saw lama dhihi karo waxa ka keenay ka baxsan dhaleecayn Xasan Sheakh ama tilmaamid qaladkiis? Illeen hadday qusayn lahayd Khaatumo waaba loo qiilin lahaaye, oo la dhihi lahaa: Haa Odaygu meel kale ayaa wax laga tusay, madaama uu harjad adag ku jiro una dhexeeyo lama maamul oo aan jiritaanka Khaatumo doonayn.
Malaha Xildhibaan Galayr wuxuu illoobay, in Sheekh Shariif shirkii ugu dambeeyey ee LIXDA SAXAL uu uga baxay si uu u soo dhiciyo in xulidda Xildhibaannimada Khaatumo ka soo galaya Baarlamaanka uusan afka u dhiganFaroole, oo horor ku ahaa arrintaa. Sidoo kale, maalintii la dhisay Khaatumogogoshii u horraysay waxaa loo dhigay deegaanka Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb. Sida maalintaa loo turxaan baxshay, saw ma ahayn inuu Odaynimo uga qaybqaato sidii loo xallin lahaa Jubbooyinkana? Hubaal inaan reer Khaatumo la qabin aragtidaa, haddana, waxaa habboon inaan dadka lagu kala gayn been abuur.
Anigu waxaan garan waayey waxa IGAD uga xiran maamul u samaynta Jubbooyinka? Anoo weydiintaa igu taagan tahay, ayaan dul istaagay nin lagu sheegay Sheekh hadal uu ka yiri Jubbooyinka. Sheekha magaciisa waxaa lagu sheegay Maxamed Ibraahim Shakuul. Wuxuu yiri oo Waraysi ku sheegay sidan: “Kenya iyo Ethiopia xaq ayay u leeyihiin in ay arrimaha Jubbooyinka ka hadlaan, qofkii yiraahda kama hadli karaanna waxaan u arkaa arrin Doqonnimo ah!
“…Kenya iyo Ethiopia waxaan leeyahay way mahadsan yihiin oo dadka ayay badbaadinayaan ammaankana way sugayaan!
“…IGAD Sharci ayay ahayd shaqo sharci ahna wey ku billawday shaqada ay ka wadaan Jubbooyinka!
Bal waa iga su’aale kaa oo kale maxaa diin looga duggaashadaa? Ninka hadalladaa ku hadlay ee waliba muuqaal ah een cod ahayn, maxaa laga sugan karaa? Saw aafada dhacday inta ay gaarsiisan tahay kuma tusayso? Saw ma cadda dacar diimeedkii uu waday in ay awalba bug ahayd? Illeen qof xitaa maankiisu fadhiyo isuma quuro inuu sidaa u hadlee, iska daa Sheekh iyo qof diin wax ka yaqaane, oo Alla ka cabsi ku jiree. Allow adaa faxan.
Meel ay Culimadiina u horreeyaan taageerada shisheeyaha iyo u qiilintiisa, maxaad caamiga a filan? Hadalka si fiican u dhuux, waa kii aan kor ku soo xusay ee Faarax Macallin oon biya la marin. Halkan ka soo daawayo waraysi ku sheegga, aanse dhihi karo waa Borobogaando.
Ugu dambayn. Haddii inta aan ka sheekeyey ee Jubbooyinka hal dhan ka socdaan, aan dhan kale kaa tuso waxa ka socda. Waxaa jira qorshe kale oo isna lagu doonayo sidii Maamul loogu dhisi lahaa Jubboonkaa. Qorshahaa wuxuu yahay in la isu geeyo shan Gobol oo hal maamul loo sameeyo, waxayna kala yihiin: BAAY, BAKOOL, GEDO, JUBBADA HOOSE iyo JUBBADA DHEXE.
Aragti ahaan markii u horraysay oo la soo bandhigo ma ahan. Ugu yaraan waa fekrad taban sano ka hor laga dhawaajinayey. Balse, aan waligeed hirgalin. Haddaba, nimanka muuqaalka sare ku jira ee sida aad aragteen u hadlaya iyo aragtidaan sidee isu qaban karaan? Ani ahaan dareen walaac ah baa igu abuurmay, oo waxaan ka cabsi qabaa in dib loo laabto, ugu yaraan haddaan loolaabanna, dadka la sii kala fogeeyo, illeen saansaanta muuqataa ma ahan mid wanaagsane.
Dadku garaad yaraa, miyaan sooyaalka lagu cibra qaadan? Beeli beel ma dul dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaal li’idaa.
Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.