Madax-weyne, berrida quruxda badan waa hantida dadka laga haysto oo maanta loo celiyo!

Waxaa hubaal ah in madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud habeenkii uu la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ay wax weyn ka bedeshay qalbigiisa daqiiqadddii u horeysay ee uu soo galay dhismihii uu kula hadlayay jaaliyadda, waxaana qalbigiisa buuxiyay faraxd aad u baaxad weyn oo dareenkeeda uu qarin kari waayay, si daacad ah oo aan madmadow ku jirinna isagoo qoslaaya waxaa afkiisa uga soo baxay mahad celin iyo duco aan kala joogsi lahayn, “Waad mahadsantihiin! Noolaada!…waa!..”.

Wuxuu madax-weynuhu dareemay in wali Soomaalinimadu nooshahay oo ay si weyn u jirto, isla markaasna dad-weynaha intaas la tiro eg waxa soo saaray si aan kala har lahayn iyadoo lagu jiro xilligii qaboobaha inaysan wax kale ahayn waxa la jecelyahayna ay tahay Soomaalinimmada iyo ciiddii udgoonayd.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo iyadu caan ku ah inaysan ku dhaqmin wax Soomaalinmo ka hooseeya isla markaasna soo dhoweeya qof kasta oo huwan magac xil oo Soomaaliya ka yimaada iyaga oo aan u kala harin ayaa siday caadadooda ahayd habeenkaas soo buuxiyay fagaarihii weynaa ee madax-weynuhu ka hadlayay, waxaana lagu qiyaasay dadkii yimid kulankaas inay 4kun oo qof kor u dhaafeen iyadoo waliba ay ahayd maalin shaqada iyo dugsiyadaba aysan fasax ahayn oo jimce ah.

Madax-weynaha habka uu khudbada u bilaabay ayaa waxaa ka muuqday qiiro wadaninimo iyo waliba inuu dareemay dhab ahaan inuu madax-weyne yahay, iyo inuu dalku leeyahay dad u maqan gude iyo dibadba, xoogga iyo himadda saraysa ee jaaliyadda Minnesota waxay ahayd fariin weyn oo xambaarsan wadaninimada iyo dal jacaylka jaaliyadda, taasoo tusaale fiican u noqon karta shacabka Soomaaliyeed intiisa kale.

Albaabada ilaa la xiray dadka ma joogsan iyadoo waliba ay buuxsantay meeshii shirku ka dhacayay, 2009kii markii uu madax-weynaha Puntland Faroole soo booqday Minnesota sidaas oo kale ayeey u buuxsantay, sidaasoo kalana markii uu madax-weynihii hore SHiikh SHariif Axmed uu yimid isla sanadkaas dhismihii uu jaaliyadda kula shirayay ee Minnesota university waa uu buux dhaafay…

Jaaliyadda Minnesota inta aan ogahay waligood farriin Soomaalinimo ka hooseysa ma gubin, waana farriin aad u wanaagsanaan lahayd in loo dhego nuglaado, waa fariin ay wanaagsanaan lahayd in looga daydo, waa farriin ay wanaagsanaan lahayd in ma’uuliyiinta siyaasadda dalka ay tix geliyaan…. waa Farriin Soomaalinimo!

Marka loo soo noqdo khudbaddii madax-weynaha Xasan Shiikh u jeediyay jaaliyadda Minnesota oo runtii ahayd mid aad u baahsanayd oo meelo badan taabanaysay ayay hadana ahayd mid la oran karo waxay turjumaysay arrimo badan oo dad badan ay ku dhaliilayeen ama ay ku eedayniyeen madax-weynaha.

Madax-weynaha arrintii iigu yaabka badnayd aniga oo uu ka hadlay waxay ahayd markii uu ka hadlayay hantida la kala haysto, eedaha iyo ciil qabka u dhexeeya bulshada qaarkeed oo uusan run ahaantii u abbaarin siday ahayd mas’uuliyadduu huwanyahay, taasoo halkii laga filayay in dadka hantida ka maqantahay uu tuso taageerada ay dowladda u hayso si loogu soo celiyo hantidooda uu ku bedelay inuu dhaleeceeyo ama ku tilmaamo kuwo aan dan ka lahayn aayaha dalka.

Madax-weynaha oo waajibkiisu ahaa inuu dhinaca qaynuunka ka istaago arrinta ayaa dadkii hantida laga dhacay, iyo wax yeelladii loo geystay ka soo qaaday inay yihiin wax tegay (SHalay) loona baahanyahay inay ka sabraan oo aysan xuquuqdooda maqan ka hadlin, u dacwoon, ka daba qaylin , haddii hantidooda la haysto ay ka tegi waayaana ay taasi noqon doonto inay ka harayaan aayaha nolosha (Berri) ama sida uu ugu yeeray berrida soo socota ee quruxda badan, nin dhacan maxay berri qurux u leedahay?!…Meeshii Cirka Laga Filayay Ciiryaamaa Ka Timid!

Madax-weynuhu markuu arrintaas ka hadlayay labo jidba waa u furnaayeen si uu ummadda u kasbbado xaq-soorna u tuso, laakiin qabkii lagu xamanayay buu dadka la hor yimid isagoo aad moodo inuu si kas ah uga leexanayo oraahdii ay dowga u lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee eedaha tirsanaya, hantidoodii la haysto, la dhacay, la laayay ama siyaabo kale wax u tirsanaya.

Madax-weynihii dalka ayuu ahaa, marka hore waxaa waajibkiisa ahaa inuu si cad oo aan leexleexasho lahayn u cadeeyo in dadka haysta hantida aysan lahayn ay ciqaab mudan doonaan haddii aysan celin hantidaas, isla markaasna uu tuso dadka inay arrintaas ka go’antahay, isla markaasna uu ku hawl galo sidaas.

Jidka labaad ee u furan wuxuu ahaa inuu ka tacsiyeeyo muujiyana sida arrintaas xanuun ugu hayso isla markaasna la yimaado qorshayaal uu ka soo fekeray oo aan ahayn dadka xoogga ku haysta hantida dadka kale ha loo daayohaddii uusan macnaha ka wadin sida dadka qaarkii u qaateen inuu rabo in hantida dadka la haysto sidaas lagu qaato. waxayna ka soo hor jeeddaa Tiirka ugu horeeya tiirarkiisa lixda ah ee sida uu sheegay ay hadda xukuumaddiisa u hawl gelayso…. Xagee bay salaaddu iska qaban la’dahayna?!

Murti baa ahayd, Maanta Muuqaalkii SHalay Bay Leedahay! Macnaha xumaantii aad shalay samaysay maanta wanaag ma noqonayso, sidaasoo kalana wanaaggii aad shalay samaysay maanta xumaan noqon maayo, sidaasoo kale murti carbeed baa macnaheedu ahaa Maanta Waa DHashii SHalay! Oo loola jeedo waxa maanta jiraa wixii shalay jiray baa dhalay, marka madax-weynuhu hadduu maanta oggolyahay in dadka waxooda xoog lagu haysto, maxay tahay quruxda berry ay yeelanayso ee dhaafaysa.. Madax-weyne, berrida quruxda badan waa iyadoo dadka hantidooda la haysto maanta loo celiyo!

Isla qodobkaan waxaa sidaa si ka haboon ug hadlay madaxa-weynaha Puntland Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed, isagoo waliba ka hadlaya isla goobta uu madax-weynaha Federaalka Soomaaliyeed ka hadlayay ee Minneapolis Convention, 2009kii iyadoo ay ku beegnayd saqdii dhexe oo ay soo gelaysay 1dii Luulyo, isagoo la hadlaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, “Haddii lays hor wado mar kasta wixii dhacay, markaas waxaad u xirnaanaysaa oo maxbuus u ahaanaysaa taariikhdii tagtay, ee taariikhda soo socota ka qayb qaadan maysid, marka ha lays cafiyo oo ha laysku soo noqdo!” …ha lays cafiyo oo ha laysu soo noqdo laakiin ma aha hantida dadka xoogga looga haysto ee muuqata baan axlaalayniyaa mustaqbal fiicanna oo quruxsanna waan bala qaadayaa.

Hadalkaas ma ahayn mid qabta dadka hantidooda xoogga lagu haysto, waxaana loo macnaynsan karaa in madax-weynahu taageero siyaasadeed ku raadinayay inuu sidaas u hadlo, daacadna uusan ka ahayn arrinka, iyadoo waliba maalmo yar ka hor intuusan hadalkaan jeedin uu ganacsade Yuusuf Jaamac Degel (Yuusuf-Cambecambe) oo ah ganacsade la yaqaan uu dawladda dacwad u sii mariyay war-baahinta si loogu soo celiyo Hotel Degel iyo dhulkiisii uu ku lahaa magaalada Muqdisho, sidaao kalana waxaa xafiisyada dowladda ee magaalada Mudisho tuuran dad hantidoodii la haysto oo dacwo ah.

Intii uu madax-weynuhu khudbayniyay sacabka ma kala go’in laakiin ma ahayn inaan dhaliilahaan loo jeedin, waxaana jiray qayb kale oo ka mid ah jaaliyadda oo banaanka tabeelayaal la taagnaa aadna u dhaliilsanaa guud ahaan siyaasadda madax-weyne Xasan Ma’ud, waxaana madax-weynaha shacuurtiisa ka dhex muuqanayay walaac weyn oo uu ka qabay banaan baxa lagala hor yimid inkastoo uu isku dayayay inuusan waxba ka soo qaadin oo aan culayskaas laga garan hadana wuu muujiyay sida uu uga xummaaday.

Wuxuu madax-weynaha carabka ku dhuftay inuusan nidaamka Federal-ka ah diidanayn laakiin loo baahanyahay in lays weydiiyo Federal noocee ah?! Uma malayniyo federal macnayn gaar oo cusub inuu maanta u baahanyahay, hasa yeeshee madax-weynaha ayaa sheegay in federal-ka aan la qabiilayn ama aan qabyaaladda la siyaasadayn taaso fasiraysa sida uu u qaatay ama u fahmay madax-weynaha nidaamka federal-ka ah ee ay maanta dad baadan oo Soomaali ah doonayaan in dalku qaato.

Hasa yeeshee inta aan la gaarin middaas uu madax-weynaha tuhunsanyahay waxaa meesha yaala oo ay dadka federal-ka raba qabaan in nidaamkii hore ee dowlada dhexe dalka maamulaysay (Centralization System) ay Soomaaliya ku burburtay haddii dib loogu noqdana ay tahay iyadoo dib loogu noqday waddadii hore ee heerka aan maanta joogno ina soo gaarsiisay, si aysan taas u soo noqonna ay haboontahay in awoodda dalka la qaybiyo oo aan gacanta xukuumadda dhexe ama nin keliya la wada gelin.

SHaki kuma jiro, dadkuna inay indhaha iska ridaan ma aha, mana aha in laysku mashquuliyo qiil aad ogtahay inuusan ahayn sababta runta ah ee keentay in dad badan ay nidaamka federal-ka ah door bidaan, marar badan baan maqalnaa dad ku celcelinaya dalal shisheeye ah baa raba inay Soomaaliya kala qaybsanto, oo aaway Soomaalida midaysan?! Af-tahanimo iyo ereyada oo la qurxiyaa ma aha xaqiiqdii oo la sheegay, waxna kama bedeli karaan xaqiiqda jirta.

Dowladaha shisheeye dalka oo dhan bay joogaan dadka federal-ka rabana ma keenin, haddii sidaa wax loo turjumo ama layska dhaadhiciyo macnaheeda waxaa weeye wali xaqiiqdaa laga fogaanayaa ummadda Soomaaliyeedna way ku kala fogaanaysaa, federal in la noqdo gumaysi iyo shisheeye ma keenayso, maamul dowlad dhexena ma celinayo gumaysi iyo shisheeye, xaqiiqda ciladaha laysku maan dhaafsanyahay yaan la qarin.

Dad baa dulmi tirsanaya, wax sheeganaya, dhibaatooyin loo geystay, iyadoo la adeegsanayo nidaamkii talada iyo awoodu ku urursanayd gacanta dowladda dhexe, dadkii wax laga tirsanayayna waxay quuri l’ayihiin wixii dadkaas ka mudnaa, marka sidee dadkaas u aaminayaan nidaamkii hore? Ceeb ma aha tiri ciladaha kow,labo… shisheeyaha burburkaa keenay, waana dabeecadaha lagu yaqaan dal kasta oo burbur uu ku dhaco, taariikhda dib u fiiri ama waxa maanta dalalka inala midka ah ee sideenoo kala burburay haysta fiiri, waana ka xumahay in wali qaarkeen ku fekerayaan wax yeelaynta kuwa kale.

Alle ha u naxariistee wali waxaan xasuusnahay oraahdii Max’ed Cusmaan Maye, March17, 2005, maalintii uu barlamanka ku dagaalamay Nairobi, rag ay ka mid ahaayeen Cusmaan Xasan Cali (Cusmaan-caato) Col. Axmed Cumar Jees, iyo Muuse Suudi Yalaxow ayaa miiskii hadalka laga jeedinayay (Podium-ka) meel hortiisa ah oo aad ugu dhow kuraastii taalay soo fariistay waxayna ku buuqayeen xil-dhibaan kasta oo ay dareemayaan ama ogyihiin inuu taageerayo fikradda dowladda ee ahayd in ciidamo shisheeye dalka la keeno.

Markii uu Alle ha u naxariistee Maye hadalkii bilaabay baa Yalaxow ku qayliyay isagoo leh “ Ar Ilaahay hee ka yaab ma Amxaaraad rabtaa in la keeno?…” laakiin Maye oo aad u caraysan ayaa yiri “Amxaaro waa la keenaa, annaga hadda ma Amxaaraa innaga maqan, adinkaa Amxaar noo ah, waad na disheen, guryaheenaa haysataan, …marka kuligeen ha na wada qabsato…” marka sababta shisheeyaha uu ku yimaadeen federal ama gobolaysi ma aha, laakiin waxaan u baahannahay qaynuun cad oo adag oo ina kala haga, si qof kasta ugu kalsoonaado dadkiis iyo dalkiisa.

Madax-weyne Xasan geesinimaa laga rabaa, waxaa laga rabaa inuu maanka ku hayo dadaalkii raggii isaga ka horeeyay iyo Puntland meesha ay soo gaarsiiyeen inuu ka sii wado, xataa waaxaan ognahay in aqoonsiga dowladda Maraykanka ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya uu ka mid ahaa shuruudihii ay wada galeen dowladaha reer galbeedka iyo saxiixayaashii Road-Map-ka.

Madax-weyne Xasan, waxaa la gudboon inuu indhaha kala qaado oo xaqiiqda wajaho, sida kelinimmada ah ee uu rabo inuu isaga go’aano dadka dusha uga keenana ka baxo, 4sano ee uu xilka hayana uusan muran iyo is qabqabsi inooga dhamayn, dadka hantidooda la haysto go’aan shrci ah inuu ka gaaro, Federalka inuu ku dhaqmo oo uusan noocyo iyo midibo noogu samayn si geesinimo ku jirto inuu u bareero oo talada la wadaago dadka aan looga maarmayn…Waxaan rajaynaynaa 4sano oo dadka iyo dalka wax uga kordhaan…aamiin.

END

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

X-Raxanreb

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.