Deg deg: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Marka

Muqdisho(Rajonews)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada ayaa maanta usafray Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka jubadda Hoose halkaasi oo ay soo booqanayaan.

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno.

Ujeedka safarkaan deg deg ah ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ugu ambabaxay Magaalada marka ayaan la aqoon waxa ka dambeeyo hayeeshe Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya ayaa saaka booqday isbitaalka madiina ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Magaalada Marka ee Dowlada Soomaaliya Axmed Macalin Cukaash oo aan la hadlay goordhaweyd ayaa iisheegay inay taagan yihiin duleedka Marka ra’iisul Wasaaraha iyo gaadiidka la socod dana ay muuqdaan oo ay Magalada soo galayan.

Wuxuu sheegay inuu wixii faah-faahin ah uu gadaal ka bixin doono laakiin Ra’iisul Wasaaraha oo soo galayo Magaalada Marka.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.