Madaxweynaha Puntland :Hadii Dowladda Federaalka Mareykanka uu aqoonsaday yeeysan awooda isku koobin

Muqdisho(Rajonews)Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aan looga baahneyn inay isku koobaan kaliya awooda Dowladnimo.

Faroole ayaa sheegay in hadii Mareykanka uu sheegay in Soomaaliya uu aqoonsan yahay taa macnaheeda aysan aheyn in Soomaaliya iminka ay heshay aqoonsi Dowladnimo balse sida uu yidhi Soomaaliya waligeed ayeey Dowlad aheyd.

C/raxmaan Sheekh Faroole ayaa sheegay in hadii Soomaali wadada toosani la mariyo ay hagaagayso balse hadii hogaanka Dowladda dhexe ee dalka Soomaliya uusan hagaajin maamulka aysan waxba hagaageyn.

Wuxuu tilmaamay inaysan iminka raali ka aheyn qaabka iminka wax ay usocdaan iyo sidoo kale sida Dowladda Soomaaliya ay isugu koobayso awoodaha maamul usameynta Gobalada dalka Soomaaliya.

Tan iyo markii Dowladda USA ay ku dhawaaqday in Soomaaliya ay aqoonsantahay taasi oo macnaheeda uu yahay inay dib ubilaabayso xiriirka dhanka Diblumaasiyada ayaa maamulada kala duwan ee dalka Soomaaliya waxaa kasoo baxaya hadalo kala duwan.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.