Dhagayso: Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa “Somaliland ayaa kala qoqobka somalia wakiil ka ah”

Muqdisho-(Rajonews) Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo inbadan la soo shaqeeyay dowladihii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya soo maray waxa uuna siyaasigu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay arimaha Somaliland iyo Soomaaliya, oo ku tilmaamay wax laga bad badiyay.

Soomaaliya iyo Somaliland ayuu ku macneeyay haldal isaga oo ku tusaalaynaya shacabka Somaliland oo dadka deegaankaasi ay kala bar yihiin dad Soomaalinimada ku qanacsan isla markaana aan raali kahayn in lakala Go’o.

Maamulka Iminka ka taliya Somaliland ayuu ku tilmaamay in ay yihiin dad hurmuud u ah in Somalida oo dhani ay kala qoqomaan oo ay dhibaato aad u baaxad weyn dalka ku baaho.

“Wada hadal ayaa loo bahanyahay isla markaana waxaa muhiim ah in la isla dhayo boogaha muuqanayo xili dadbadna ay kala sheeganayaan dhibaato si loo qanciyo dadka waxka tabanaya Konfurta waana in la ogaadaa in Somaliland aysan isku raacsanayan ka go’oda Somalia” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii raaciyay in Saxaafada soomaaliya laga doonayo in ay si hufan arimahaan u darsaan oo ay kaalin ka qaataan sidii hadii konfurtu soo dagayso la raadiyo hanaan loo wada fahmi lahaa ahmiyada qaranimada.

Wada hadalada UK ayuu ku tilmaamay in ay suurogal tahay in is fahan uu ka yimaado isaga oo meesha ka saaray in Somaliland ay Somalia inteeda kale ka Go’do.

Hadalka Buubaa oo Fah faahsan halkan ka dhagayso.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Rajonews3@gmail.com

 

One comment on “Dhagayso: Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa “Somaliland ayaa kala qoqobka somalia wakiil ka ah”

  1. esmail hure buubaa waxyabuhuu ka hadlay waa xaqiiq wana wax jira
    hadii umada somaliyd jogto hargaysa iyo muqdisho wax faraqa ma lahaaa somalinimaduna waa tii horu marka lagu gaadhi lahaaaaa

    aad banan ugu tagersanahay fikirka buubaaaaaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.