Wasiirka Hormarinta Iyo Adeegga Bulshada Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabatay.

Muqdisho-(Rajonews) Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryan Qaasim ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay kadib socdaal shaqo oo ay ku tagtay magaalada Dubai ee isku taga Imaaraadka Carabta.

Drso Maryan Qaasim Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaasi waxaana markii lasoo dhaweeyey kadib ay Warbaahinta Qaranka uga warbixisay socdaalkeeda shaqo iyo guullaha kasoo baxay.

“Safarkeyga shaqo waxaan kaga imid Dubai oo aan kaga qeybgalnay shirka dalalka ku midoobay ururka EMRO, runtii qodobada laga hadlayna waxaa ugu weynaa yareynta dhimashada haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed”ayey tiri Drso Maryan Qaasim Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Drso Maryan qaasim ayaa waxey faah faahin ka bixisay kulammo gaar gaar ah oo ay magaalada Dubai kula qaadatay wasiirro ka kala socday dalalka carabta qaarkood kuwaasi oo ay kala hadashay sidii ay u yeelan lahaayeen wadashaqeyn joogta ah.

 

x-radiomuqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.