Ciidamada AMISOM oo dhaqdhaqaaq milatari ka wada Gobalka Hiiraan

Muqdisho(Rajonews)Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa duleedka Degmadaasi waxa ay ka wadaan dhaqdhaqaaq milateri oo ku aadan deeganada Shabaab Gobalkaasi ka joogaan.

Ciidamada ayaa la sheegay in iminka ay ku sugan yihiin Duleedka Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan halkaasi oo Shabaab dagaal weerar ah kasoo qaadi jiray deegaankaasi ay ka qabsadeen.

Taliyaha Ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan Col. Tawane Axmed Gurey in ujeedkooda uu iminka yahay inay Shabaab kala wareegaan deeganada Gobalka Hiiraan ay ka joogaan isaga oo sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM dhaqdhaqaaaq ciidan ay wadaan.

Wuxuu sheegay in qorshaha uu yahay sidii ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Shabaab guud ahaan deeganada Gobalkaasi ay uga saari lahaayeen.

Maalmo kahor ayeey aheyd markii Shabaab iyo ciidanka jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay isku farasaareen duleedka Magaalada Beladweyne ee Gobalkaasi hiiraan halkaasi oo Shabaab degaan ay weerarka kasoo qaadi jireen lagala wareegay.

Al-Shabaab ayaa weli ku sugan deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan halkaasi oo ay doonayaan inay weraro kaga qaadaan magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.