Deg deg:Dacwada wariye C/casiis Koronto oo iminka ka bilaabatay Maxkamada Gobalka Banaadir

Muqdisho(Rajonews)Waxaa goordhawyd maxkamada maamulka gobalka Banaadir ka biloowday dacwada wariye C/casii Koronto iyo sidoo kale qaar kamid ah eedeeysanayaal ku eedeeysay been abuur warar kufsi ah.

Goordhaweyd ayaa la geeyay xarunta maxkamada Gobalka Banaadir oo aan ka fogeyn maxkamada gobalka banaadir ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku sugan yihiin boqololaal dadweyne ah.

Eedeysane C/casiis Cabdi Nuur Koronto iyo sidoo kale qaar kamid ah maxaabiista la xiran ayaa hada loo gudbiyay gudaha maxkamada iyo kiiska uu hada furmaayo.

Dadweyne kala duwan iyo sidoo kale bahda saxaafada Magaalada Muqdisho ayaa ku sugan madaxa ay ka bilaabatay dacwada wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin iyadoo aan la ogeyn natiijada waxa ay noqon doonto.

Wariye Koronto ayaa loo heesta kiis ku aadan kufsi been abuur ah oo uu ka baahiyay ciidmada Booliiska Soomaaliyeed kaasi oo ciidanka ay uxireen taariiqda markii ay aheyd 10-Bishii aan soo dhaafnay.

Maxakmada Gobalka Banaadir ayaa maanta gabi ahaanba go’aan cad ka qaadan doonta kiska ku aadan wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.