Dhageyso:Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka hadlay go’aankii odayaasha maamulkaasi ay ku mamnuuceen WFP

Muqdisho(Rajonews)Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo baxay golaha guurtida ee maamulkaasi kaasi oo ahaa in gabi ahaanba aysan ka howlgali karin hay’adda WFP deeganada maamulkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka ee ximan iyo xeeb aysan shaqo ku laheyn arimahaasi iyo ka hadalkeeda.

Cumar Maxamed Guureeye Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in sababta ka dambeysay in odayaasha ay ku dhawaaqaan in Hay’ada WFP aysan ka howlgali karin deeganada maamulkaasi ay tahay in WFP deeqo kala duwan oo intii Gobalkaasi loogu talo galay in kayar ay halkaasi geysay.

HALKAAN KA DHAGEYSO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA XIMAN IYO XEEB

Wuxuu tilmaamay in WFP ay iminka ka howlgalayso deeganada maamulka Ximan iyo Xeeb sidoo kalena aysan jirin wax shaqo joojin ah oo ay ka sameysay deeganadaasi.

Dhawaan ayeey aheyd markii Golaha guurtada odayaasha maamulka Ximan iyo Xeeb ay sheegeen inaysan deeganada maamulkaasi ka howlgali karin  hay’adda WFP.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.