Kenya oo sheegtay in duqeyn ay ku garaacday deegaan Gedo ka tirsan Sarkaal Shabaab ah ku dileen

Muqdisho(Rajonews)Colonel Cyrus Oguna oo kamid ah afhayeenada Ciidamada dowladda Kenya ayaa sheegay duqeyntii qaarkamid ah diyaaradaha dalka Kenya ay khamiistii lasoo dhafay ka geysteen tuulo u dhow degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ay ku dileen saraakiil sare oo katirsan  Al-Shabaab.

Saraakiisha geeriyooday intii ay duqeynta socotay ayuu sheegay afhayeenka Ciidamada Milatariga Kenya inuu kamid yahay gudoomiyaha degmada Buurdhuuba Nuur dheere iyo ciidamo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab islamarkaana qeyb ka ahaa raga falalaka amni dari ka geysta gudaha Kenya.

Sidoo kale Oguna waxa uu shaaciyay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uuna uga digayo dadka rayidka ah inay ku dhawaadaan degaanada saldhiga u ah Al-Shabaab oo ay suurtagal tahay in duqeymaha lala damacsan yahay ay ku wax noqdaan shacabka.

Majirto Xaqiiqo loohayo Hadalka Colonel Cyrus Oguna ee ku saabsan in duqeyn ay dhawaan ka fuliyeen degaan hoostaga Magaalada Garbahaareey ay ku dileen Saraakiil Katirsan Al-Shabaab mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Shabaab oo ku adaan in laga dilay sarakiil iyaga ka tirsan.

Maalintii khamiisti ayeey aheyd markii Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay duqeyn ku garaaceen deegaan hoostaga Degmada Garbahaareey ee Gobalka Gedo halkaasi oo ay ku sugnaayeen rag Shabaab ka tirsan.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.