Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay safar uu kujooga Britain Soomaalida caalamkana baaq ujeediyay

Muqdisho(rajonews)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ka hadlay safar uu iminka ku joogo dalka Ingiriiska halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in safarkiisa uu iminka bilaaw yahay islamarkaana dhowr cisho uusii joogi doono dalkaasi ayna wada kulmi doonaan masuuliyiin kala duwan oo dalka Britain ka tirsan.

Wuxuu sheegay in Hay’addo kala duwan oo dalka Ingiriiska ah ay wada kulmeen sidoo kalena uu dhiman yahay kulan ballaaran oo ay isla wadi doonaan Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud mar uu la hadlaye Soomaalida ku nool caalamka ayaa wuxuu sheegay in shaqooyinka ay ku haystaan dallalkaasi looga baahan yahay inay la yimaadaan dalka Soomaaliya maadaama buu yiri dalka uu ubaahan yahay fursadahaasi shaqo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmahan dambe wuxuu socdaalo ku maraye dalal ka tirsan caalamka halkaasi oo uu kulamo kula soo qaadanaye masuuliyiinta dalalka uu socdaalka ku tagay.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.