Maxkamadeynta Wariye C/casiis koronto oo saaka ka furmaysa Muqdisho

Muqdisho(Rajonews)Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmaya maxkamadeynta wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin oo dowladda Soomaaliya uxiran.

Wariyaha iyo sdoo kale shan kale oo la eedeysan ayaa kiiska maxkamadeyntooda wuxuu ka furmayaa Maxkamada Gobalka Banaadir halkaasi oo ay iminka ku sugan yihiin koox wariyeyaal ah.

Sida uu horay usheegay Wasiirka garsoorka iyo cadaalada Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Abyan Nuur  maxkamadeynta wariyaha ayaa maanta bilaabanaysa iyadoo kiiska Dowladda ay ku haysato wariyaha uu yahay been abuur oo uu Booliiska ka sameeyay.

Ilaa labo qareen ayaa udoodaya wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin kuwaasi oo difaacaya kiiska wariyeaha islamarkaana u doodaya inuusan laheyn wax dambi ah.

Warioyeyaasha magaalada Muqisho ayaa maanta indhaha ku haaya Maxkamada Gobalka Banaadir halkaasi oo ay ka bilaaban rabo maxkamadeynta wariye Koronmto.

Natiijada kasoo baxda Maxkamada maanta ayaa laga dhulsugayaa waxa ay noqon doonto maadaama go’aanka ugu dambeeyay maanta ay gaarayso maxkamada.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.