QM iyo Mareykanka oo ka walaacsan maxkamadeynta Wariye C/casiis

Muqdisho(Rajonews)War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjira Augustina Mahiga ayaa waxaa lagu eedeeyay dawlada Soomaaliya inay daboolayso dambiyada kufsiga ah ka dhaca gudaha Soomaaaliya.

Warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in xafiiska uu Mahiga madaxda ka yahay ee UNPOS uu aad uga walaacsan yahay xad gudubyada kufsiga ee Soomaaliya ka dhaca iyo qaabka loola dhaqmay shaqsiyaadka ugu dambeeya ee loo haysto kiiska kufsiga ee hadda taagan.

“Xariga waqtiga dheer dadka loo haysto kiiska kufsiga ee dhawaan dhacay ayaa waxaa uu xafiisku sheegay inuu yahay mid walaac badan ku abuuraya beesha caalamka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska UNPOS.

Sidoo kale dawlada Maraykanka ayaa walaac kaas la mid ah ka muujisay xariga wariye C/casiis Koronto oo lagu eedeeyay inuu waraysi ka qaaday haweeney sheegtay in la kufsaday.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibbadda dawlada Maraykanka haweeneyda la yiraahdo Victory Newland ayaa shaacisay in dawlada Soomaaliya ay muujinayso inay xadido warar ah in kufsi jiro.

Shir jaraa’id oo ay qabatay ayaa waxaa ay ku sheegtay in dunnidu ay la socoto waxa Soomaaliya ka jira.

“Waxaan leeyahay dunnidu aad bay ula socotaa kiisaskaan oo dabcan saameyn ku yeelan doonta mustaqbalka Soomaaliya
Dawlada Soomaaliya ayaa waxaa u xiran wariye iyo haweeney sheegtay in la kufsaday kadib markii dawladu ka carootay in ciidamadeedu dumarka kufsadaan.

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.