Rag Shabaab ah oo Degmada Afgooye dil ka geestay oo gacanta lagu soo dhigay

Muqdisho(rajonews)Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa gacata kusoo dhigay rag ka tirsan Al-Shabaab oo horay degmadaasi uga geestay fal dil ah kuwaasi oo baxsaday.

Kadib howlgalo ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ka sameeyeen duleedka degmada Afgooye ayeey ku suuragashay in agani ka tirsan ciidmada Shabaab gacanta lagu soo dhigo oo ciidanka ay soo qabtaan.

Sida uu warbaahinta usheegay taliyaha ciidamada Booliiska ee Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose Cabdi qaadir Cismaan Mursal ayaa sheegay in raga lasoo qabtay ay horay Degmada Afgooye dil uga geesteen ayna dileen askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen duleedka Deggamada Afgooye balse ciidanka Dowladda ay usuuragashay inay soo qabtaan ragaasi sida uu tilmaamay.

Cabdi qaadir Cismaan ayaa intaasi ku daray in raga iminka lasoo qabtay ay rabeen inay dhibaatooyin dhanka ammaanka ah ay ka geestaan Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose balse aysan usuuragelin.

Raga ka tirsan Shabaabka ayaa Magaalooyinka ciidanka Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayaan waxa ay ka geestaan dilal qorsheysan iyagoo baxsada marka ay fuliyaan falka dilka ah kadib.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.