Suldaan Muuse Faarax Muuse oo Magaalada Boosaaso lagu toogtay

Muqdisho(Rajonews)Kooxo hubaysan ayaa  maanta Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka bari waxa ay ku toogteen Suldaan Muuse Faarax Muuse oo kamid ah salaadiinta ku nool Magaalada boosaaso ee xarunta Gobalkaasi.

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Boosaaso kooxaha hubaysan ee dilka fuliyay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa watay biskolado sidoo kalena xirnaa dareeska ciidanka maamulka Puntland kuwaasi oo markii ay dileen Nabadoonka kadib baxsaday.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa kla sheegay inay aheyd goob suuq ah oo mashquul badan laga dareemaye islamarkaana ciidamada maamulka Puntland ay durba gaareen goobta dilka uu ka dhacay.

Marxuumka la diley ayaa 15 sano ee u danbeysey ka shaqeynayey arrimaha nabadda iyo wada noolanshaha bulshada Puntland, waxa uu ahaa nin afgaaban isla markaana lagu yaqaano cibaado badan.

Sidoo kale ilaa iyo iminka lama garanayo sababta ka dambeysay dilka loo geestay nabadoon Suldaan Muuse Faarax Muuse oo kamid ahaa Suldaanada maamulka Puntland.

Dilka maanta loo geestay Suldaan Muuse Faarax Muuse  ayaa wuxuu imaanaya iyadoo taliyaha ciidamada Booliiska Puntland uu sheegay in ammaanka Boosaaso uu yahay mid wanaagsan islamarkaana uusan jirin fal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ka dhacay Magaaladaasi.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.