Cajiib: Axmed Madoobe oo yiri “Maamulka ka jira Kismaayo waxa dhistay IGAD, Kenya iyo Dad la fikir ah”

Kismaayo-(Rajonews) Kulan labo cisho la isugu soo labanayay oo ay magaalada Kismaayo ku lahayeen qaar kamid ah odayaasha Beesha Sade iyo Gudoomiyaha Raasganbooni ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo la xariira dhinacyada Amniga, dhibaatooyinka soo laalabta iyo Maamulsamaynta.

Ahmed Madoobe oo ah gudoomiyaha Maleeshiyada Raasganbooni ayaa u soo bandhigay odayaasha waxa uu ka codsaday in ay taageeraan hanaanka maamul u samaynta gobolada jubbooyinka, balse waxa ay odayaasha soo jeediyen qodobo dhoowr ah oo hordhigeen Ahmed madoobe iyo ragii la socday waxayna ugu horeeyn u sheegeen in ay iyaga yihiin odayaal dhaqan ayna habantahay in ay la kulmaan ama la hadlaan Odayaasha dhaqanka halkii ay Ciidamo hub wata kala hadli lahayeen, Balse ahmed madoobe ayaa arintaasi gaashanka ku dhuftay waxayna qasab noqotay in wada hadal kulul uu biloowdo.

Waxaa odayaasha dhaqanka ee Beesha sade Kismaayo laga codsaday in ay si sharuud la’aan ah u taageeraan maamulka oo dhawaan loga dhawaaqi doono Kismaayo, balse odayaasha ayaa soo gudbiyay cabasho ka horaysa dhismaha maamulka oo ku aadan Dil, Dhac, Kufsi, iyo Xarig gardaraa oo loo gaystay dad aan waxba galabsan ayna gaysteen Maleeshiyada Raasganbooni taasina ay muhiim tahay marka hore in la xaliyo, mida labaad ayay odayaashu xuseen in dhismaha maamulka weyn ee Jubbaland ay ka horayso in si siman loo qaybsado dhismaha maamulka Ku meel gaarka ah ee Kismaayo iminka ka jira, oo ay maamulaan 6 nin oo ilma adeer ah taasina ay caqliga saliimkaa ka fogtahay.

Hadalka Odayaasha waxa uu ka caraysiiyay Axmed Madoobe oo isaga oo taagan odayaasha ku yiri ” Maamulka dhisan waa lama taabtaan waxaana soo dhistay IGAD, Kenya, iyo Raga siyaasada Jubbooyinka maamula ee dan ma idinku jirtaa in aad ka qayb qaadataan dhismaha maamulka Jubbaland kan iska ilaawa oo”

Mid ka mid ah odayaasha ayaa ku jawaabay ” Hadii aad maamulka ku meel gaarka ah si cadaalad ah u qaybin weydaan midka Jubbaland wanaag kama filanayno” waxaana isla markiba hadlay suldaan kamid ah Suldaanadii mesha joogay oo xusay in wada hadalo kale laisugu soo laabto.

Waxa uu kulankani muujiyay in ay jirto siyaasad aad uga fog mida ay ku haminayaan soomaalida Jubbooyinka dagta oo ku salaysan in si siman wax loo qaybiyo.

Dhawaan waxaa Kismaayo laga bilaabayaa shir loogu dhawaaqayo maamul u samaynta Jubbooyinka kaas oo ay gacan ka gaysanayaan ganacsato aad u badan iyo qurbajoog, waxana dhaqaalaha laga soo aruuriyay Puntland, Kilinka 5aad ee itoobiya iyo magaalada Nairobi.

Dowlada Soomaaliya ayaa inbadna ku cel celisay in ay dadka deegaanku soo dhisan doonaan maamulo dhismaha maamul goboleedkana uu ka danbayn doono midka ku meelgaarka ah lakin amuurahasi waa kuwo la iska indho tirayo.

Waxan dib idinka soo gudbin donaa xogag kale oo ku salaysan arimaha cakiran ee Kismaayo.

Rajonews3@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.