Dhageyso:Afhayeenka AMISOM oo guulo ka sheegtay dagaalkii ka dhacay Beladweyne

Muqdisho(rajonews)Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in dagaalka Shabaab ay la galeen ay ka gaareen guulo waaweyn islamarkaana dagaalyahano badan oo Shabaab ay dileen.

Wuxuu sheegay in Shabaab aysan heyn itaal islamarkaana dagaalka Beladweyne ay ku dileen sida uu sheegay 20 dagaalyahano ah oo ay ku jiraan madax sida uu hadalka udhigay.

Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in Shabaab ay yihiin cadoow baneestay dhiiga Soomaalida islamarkaana ciidamada AMISOM ee howlgalka ka wada dalka Soomaaliya aysan waxba ka qaadeen.

Wuxuu tilmaamay in dagaalka Beladweyne ka dhacay uu ahaa mid xoogan dhanka ciidanka Jabuutina khasaaro hal askari uu halkaasi kaga geeriyooday sida uu sheegay.

HALKAAN KA DHAGEYSO AFHAYEENKA AMISOM

Afhayeenka Shabaab oo hadlay dhankiisa wuxuu sheegay in dagaalka ka dhacay Beladweyne ciidamada Jabuuti ay ku gaarsiiyeen khasaaro baaxad leh islamarkaana ay kaga dileen ciidamo badan sida uu sheegay.

Gabi ahaanba hadalkaasi waxaa gaashaanka udaruuray afhayeenka ciidamada AMISOMĀ  ee dalka Soomaaliya kaasi oo tilmaamay in Abuu Muscab hadalka uu sheegay uu yahay mid been ah.

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.