dhagayso: Golaha wasiirada oo guddi uxilsaaray sarifka Lacagaha doolarka ee hoos udhaca xoogan laga dareemayo

Muqdisho(Rajonews)Iyadoo maalmahan dambe cabasho badan ay kasoo yeeraysa shacabka Soomaaliyeed taasi oo ku aadan hoos udhaca qiimaha sarifka suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa arintaasi waxaa ka hadlay golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen Golaha wasiirada ayaa waxaa arintaasi loogu xilsaaray Wasaarada maaliyada Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale wasaarada ganacsiga Xukuumadda.

Cabdi Shakuur Cali Mire Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in golaha uu isku afgartay in si deg deg ah wax looga qabto arimaha ku adan hoos udhaca sarifka.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu arintaasi aad uga hadlay islamarkaana uu ka dhiidhiyay dhibaatada shacabka soo foodsaartay maalmaha Muqdisho laga dareemay hoos udhaca dhanka sarifka suuqyada Magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in Xukuumadda Soomaaliya ay tillaabooyin deg deg ah ka qaadan doonto xasilinta sarifka lacagaha qalaad, Iyadoo Xukuumaddu la kaashaneysa ganacsatada iyo hay’adaha arrintaan wax-ka qabashadeeda gacan ka geysan kara.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay hindise-sharciyeedka dhismaha maamul u samaynta gobollada dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka. Hindise-Sharciyeedka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliya is ay u ansixiyaan.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.