Hogaanka mustaqbalku waa dhalinyarada!

Qormo-(Rajonews) waxaa ku barbaartay adigoo  maqlaaya qabyaalad ee aan maqalayn wadani-nimo waxaad in badan soo maqlaysay dil , kufsi , dhac , dad barakacay , dad gaajo u le’enaaya , dad bada ku le’day ,Laguma barin danta guud , kumadan barbarian wadani nimo.

Laakinse manta soomaliya wax wayn ayaa iska badalay , waxaan ka baxnay ku meelgaarkii , waxaan u gudubnay federal , waxaa dib usoo laabtay rajadii dadka , waxaa dib usoo laabtay ganacsatadii soomaaliyeed , waxaa dib usoo laabtay xiriirkii soomaaliya iyo sumcadii ay ku lahayd caalamka .

Muqdisho oo looga bartay dhac , dil , kufsi , dagaal , iyo dad  dhibaataysan  waxaa ka soo muuqata bilicdii ay lahaan jirtay xamar caday , waxaa laga wadaa mashaariic horimarineed oo farabadan ganacsigii dib ayuu usoo labaatay dadwaynaha waxaa u muuqda rajo aad u wanaagsan waa ay ku kalsoon yihiin dawladooda .

Marka laga hadlayo dhalinyaro ama aad maqashidba waxaa markiiba niyadada ku soo degdagaaya in uu yahay qof da,yar oo xoogleh awoodana in uu waxqabto , waxbadalo , hoggamiyo ,fakaraya ,ku jira asaaska mustaqbalkiisa dhisaya nolashiisa danbe kuna jira nolasha qeybta ugu muhiimsanayd

Dhalinyarada soomaaliyeed waxaa u banana fursad hogaamiye-nimo oo aad ugu muhiim ah ,mar haday rajadii soomaliya dib usoo laabatay oo aan helnay federal dawlad ah waxaa lagama maarmaan ah ka qaybqaadasha dhalinyarada .

Hoggaamiyahnimada waa lagu dhashaa waana la baran karaa sida ay caddeeyeen khuburo ku xeel dheer  hogaanka 2% waa ku dhashaal hogaanka mesha 2% kuma dhashaan awoodna uma leh barashadeeda      98 % waxa ay awood u leeyihiin in ay bartaan hoggaanka dhalinyarada soomaaliyed waan awoodnaa in aan wax hoggaamino , awoodna waan u leenhayn in aan barano .

Tusaale dadka ku dhashay hoggamiye-nimad waxaa ka mid ahaa sida ay sheegayaan taariikhyahanad islaamka , khaalid binu waliid , mucaawiya binu abii sufyaan oo ay xusaan inuu hoggaamiye ahaa mudo 40 sano ah.

Dadka aan u dhalan in ay wax hoggamiyaan  sida ay sheegaan taariikhyahanada islaamku waxaa ka mid ahaa abu-dar al qafaari oo ahaa qofkii shanaad oo islaamka soo gala awoodna uma uusan lahayn in uu barto hadii uu baran lahaa waxa uu ka baran lahaa rasuulkeen NNKH . dhaliyarada qeybta nasiibka u yeelatay  ku dhalashada hogganka waxaa muhiim ah in ay ka faa’ideystaan awoodaas ilaahay ku manaystay’ dhalinyarada badankoodna waxaa ay awood u leeyihiin barashada hoggaanka iyo ku dayashada hoggankii rasuulkeena NNKH .

Calaamadah lagu garto hoggaamiya 

1: hoggamiyahu hankiisu waa uu sareeya , yoolkiisuna waa uu qeexanyahay , waa furaha koowad oo u sahlaaya in uu gaaro hoggaanka uu ku haminayo , haddii aan tusaale u soo qaado shakhsiyadii macruufka ahayd ayna dhahaan tariikhyahanada Islaamku waxaa uu ahaa khaliifka shanaad (cumar binu-cabdicasiis) waxan ku hamiyey in aan noqdo madaxwaynaha ummada islaamka oo dhan waana uu noqday. madaxwaynihii hore ee maraykanka ( bill Killington ) isagoo  da,yar faqiirna ah ayuu ku hamin jiray in uu noqdo madaxweynaha maraykanka ugu dabayn waa uu noqday .

2: hoggamiyahu  waa qorsheeye

3: hoggamiyahu waa kan wax cusub soo kordhiya

4 : waa kan xaliya dhibaatooyinka laga quustay

5: waa kan sharfa dadka isbedelka bulshadana udub dhexaad u ah

6 : waa kan aan eegin danihiisa gaarka ah kana hormariya danta guud danihiisa gaar ahaaneed   .

7: waa kan dhisa xiriirkiisa hoose iyo kan mustaqbal waxa ay dhahaan khuburada hogganka ku xeel ( hoggaamiye aan lahayn dad raacsan mahan hogaamiye )

8: waa kan hormariya nafsadiisa iyo bulshadiisa waxa uuna ka hormariyaa afar dhinac

  • Aqoon ahaan
  • Akhlaaq ahaan
  • Tababar ahaan
  • Fikrad ahaan

Haddaba waxaa hubaal ah in ay ku jiraan dhalinta soomaaliyeed qof koobsanaya intaas oo dhan , kana saari kara caqabadan hoggaamiye xumada ah ee lasoo daristey soomaaliya in badan .

Dhalinta soomaaliyeed waxaa sugaaya masuuliyad aad u wayn una baahan in laysku diyariyo laguna bixiyo wakhtiga dhalinyaranimeed oo dhan sidii aad ugu diyaar garoobi lahayd

Wadankaga hooyo waxaa uu sugaaya waa awoodada hoggaamiye-nimo waxaa uuna u ooyayaa hormarkaagaa ee isu diyaari sidii aad wax uga qaban lahayd .

 

 

 

W/Q:Maxamed Saalax Axmed{Guure}

Email : ibnu-salax007@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.