Kismaayo & Baydhabo oo ay ka kala socdaan Olalaha Maamul u sameeynta G-koonfurta+(Daawo Dood Xiiso Badan)

London-(Rajonews) Waxaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ka bilaawday Abaabul ay wadaan Masuuliyiin uu kamid-yahay Guddoomiyihii horre ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiekh Aadan iyo Xubno kale oo kamida Dowlada Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa uu ku saabsan yahay siddii Maamul mideeysan loogu Sameeyn lahaa 6-Gobol oo kamida Koonfurta Soomaaliya,iyadoona ay kamid-yihiin Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo sidookale howsha Maamul Goboleedka Goboleedkas uu dhowaan ka bilaaban doono Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose.

labbada Shir ayaa waxay u muuqdaan in ay kala Ajanda yihiin iyadoona Shirka Kismaayo uu yahay mid Quseeya Labbada Jubbo Hoose,Dhexe iyo Gobolka Gedo,halka Qolada kala ay dooneeyso Lix Gobol oo ah Konfurta Soomaaliya.

Barnaamij Dood wadaag ah oo TV-ga Universal Dhowaan u qabtay Labba Masuul oo kala socota Baydhabo iyo Kismaayo ayaa waxaa muuqata in ay soo badanayaan Khilaafaadka baahsan ee ay Abuurayaan Arintan Sameeynta Maamul Goboleed-yada Soomaaliya.

Dhanka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali,iyadu wax Go,aan ah oo cad aan kasoo saarin Qaab Dhismeed-ka Maamul Goboleed-yada Dalka laga hirgelinayo,iyadoona Masuulka Shirka Baydhabo uu Sheegay in ay Dowlada taageero uga heeystaan Maamul u sameeynta lix Gobol oo kamida Koonfurta Soomaaliya.

Haddaba Halkan Ka Daawo Dood aad u Xiiso badan oo Arinta ku Saabsan.

rajonews3@gmail.com

One comment on “Kismaayo & Baydhabo oo ay ka kala socdaan Olalaha Maamul u sameeynta G-koonfurta+(Daawo Dood Xiiso Badan)

  1. ASC HADDAAN NAHAY DHALIN YARADA KA SOO JEEDO KOONFURTA SOMALIYA OO KU NOOL USA WAXAN TAAGEERSANAHYA SHIRKA KA SOCDO GOBOLKA BAY WAAYO? WUXUU ISKU KEENI RABAA KOONFURTA SOMALIYA SI AY U YEELATO HAL MAAMUL .. WAAADNA MAHADSAN TIHIIN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.