Nabadoonada Gobalka Bari oo sikulul uga hadlay dilkii loo geestay Suldaan Onkod

Muqdisho(Rajonews)Qaar kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda Gobalka bari kuna sugan duleedka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay maanta si aad ah ucanbaareeyeen dilkii shalay kooxo hubaysan ay Boosaaso ugu geesteen Nabadoon Suldaan Faarax Muuse.

Kulanka oo ka dhacay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa odayashii kasoo qeybgalay waxa ay si aad ah ulafa vgareen cidii ka dambeysay dilka oo ay sheegeen in looga baahan yahay maamulka Faroole inay cadaalada horkeenaan kooxahaasi.

Waxa ay sheegeen in ciidamada ammaanka Puntland looga baahan yahay howlgalo joogto ah inay ka sameeyaan Magaalada Boosaaso oo ammaanka Degmadaasi lagu xaqiijinayo laguna baadi goobayo cidii ka dambeysay dilka loo geestay Suldaanka.

Shalay ayeey aheyd markii kooxo hubaysan ay dil ugeesteen Suldaan Muuse faarax Suldaan Muuse oo kamid ahaa Nabadoonada Gobalka Bari xilli uu ku sugnaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalkaasi.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlay dilka loo geestay Nabadoonka ayaa wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dilka loo geestay Nabadoonka islamarkaana ciidmaada ay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay dilkaasi.

Wuxuu tilmaamay in reerka uu ka dhashay nabadoonka uu ugu baaqayo inay isdajiyaan islamarkaana ay san sameyn fal dhiig uu ku daadan karo.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.