Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Wajeer

Muqdisho(rajonews)Wararka laga helayo Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa ku soo waramaya in weerar khasaaro Geestay uu xalay ka dhacay Degmadaasi.

Nin watay walxaha Qarxa ayaa la tilmaamayaa in ay ku qarxeen walxihii uu sitay ee qaraxa dhaliyay iyadoo inta la ogyahay uu isaga Ku geeriyooday islamarkaana ay ku dhaawacmeen seddex kale uu Midu Askari yahay.

Dad Goob Joogayaal ah oo  ku Sugan Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari waddanka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamo badan ay Goobta soo Gaareen kuwaasi oo isku Geedaamay halka qaraxu uu ka dhacay ee Degmadaasi Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Ninka weerarka Fuliyay uu ahaa Muwaadin u dhashay waddankaasi Kenya inkastoo weli aaney ka hadlin Saraakiisha ammaanka ee dowladdaasi Kenya

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.