Xulka Nigeria oo ku guuleestay markii saddexaad koobka Qaramada Afrika

Muqdisho(Rajonews)Nigeria ayaa soo gabogabeysay ku dhowaad labaataan sano oo aysan guul ka helin ciyaaraha Qaramada Africa,waxaana xalay ay 1-0 kaga badisay kooxda kubbada cagta ee Burkina Faso.

Ciyaaryahanka Sunday Mba ayaa gool uu dhaliyay shan daqiiqo ka hor kala barka ciyaarta ayaa waxay suurto galisay inay ku guuleystaan koobka muddada bisha ah ka socday dalka Koonfur Africa.

Tababaraha xulka qaranka Nigeria,  Stephen Keshi ayaa xalay noqday ruux ku guuleysta koobka Africa ,isaga oo ah macalin iyo ciyaar yahan xulka ka tirsan.

Daqiiqadihii hore ee ciyaarta kooxda qaranka dalka Nigeria ayaa waxay heleen fursado badan oo ay ku dhalin kareen goolal muhiim laakiin ay qasaariyeen.

Sidoo kale ciyaarta ayaa xamaasadeeda sii kacday ka dib markii kooxda Burkina Faso ay dadaal dheeri ah ay sameysay ,waxayna sameeyeen ciyaaryahanada Burkina Faso orod iyo jiidida kubbada inkastoo laga badiyay.

Waxaa garoonka ciyaarta ay ka dhacaysay ee Johns berg  ku sugnaa madaxweynaha xiriirka kubbada cagta aduunka iyo madaxweynaha dalka koobka marti gelinayo ee Koofur Africa.

Ciyaaryahanka u ciyaara kooxda Chelsea una dhashay dalka Nigeria Victor Moses,ayaa ka muuqday ciyaarta,wuxuuna helay fursado badan ,laakiin nasiibka ayaa ka hiiliyay.

Ciyaarta ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday xulka qaranka ee dalka Nigeria,waxaana ugu dambeyn la gudoon siiyay kooxkii in badan loosoo wada tartamayay.

Waa markii sedexaad oo dalka Nigeria ay ku guulaysato koobka kubbada cagta ee qaramada Africa ,waxaana markii ugu horeysay ay ku guuleysteen sanadkii 1980 markii labaad sanadkii 1994 iyo sanadkan oo ah markii sedexaad.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.