kooxaha Celtic Glasgow vs Juventus oo ciyar ad uxiisabadan ay soo bandhiktay nadiga jufa

 

RAJO SPOTS. Kooxda Celtic Glasgow oo kulankaan fursado qaali ah iska qasaarisay waxaa kaarto cajiib ah la dheeshay Juventus oo mar alaale iyo marka ay Xiddigaha Celtic weerar aadaanba Goolal ku ciqaabeeysay. Goolasha kooxda Juventus waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Alessandro Matri (daqiiqadii 3-aad), Claudio Marchisio (daqiiqadii 77-aad) iyo Weeraryahanka Qaranka Montnegro Mirko Vucinic (daqiiqadii 83-aad).

Kulankaan waxaa 2 Gool laga xarooday oo qalad weeyn sameeyay Difaaca Qaranka Nayjeeriya iyo kooxda Celtic Glasgow Efe Ambrose oo korantada ka dansaneeyd ciyaartaan inkastoo Xiddigaan uu maalmo yar ka hor soo qaaday koobka Qaramada Africa balse waxaa ciyaartaan weli ka muuqday daal fara badan .

Kooxda Juventus waxaa kulankaan ugu wanaagsanaa oo nafta ku dhibay xiddigaha Celtic Laacibiinta kala ah Xiddiga Qaranka Italia Andrea Pirlo, Xiddiga Qaranka Switzerland Stephan Lichtsteiner iyo Xiddiga Qaranka Chile Arturo Vidal. Sidoo kale Qabqablaha qadka dhexe ee Qaranka Talyaaniga Claudio Marchisio ayaa Paasas cajiib ah waxa uu raaxada uga qaaday Difaaca kooxda Celtic Glasgow.

Dhamaadkii Ciyaarta daqiiqadii 86-aad waxaa kulankaan badal lagu soo galiyay Weeraryahanka caanka ah ee reer France waa Nicolas Sebastian Bilal Anelka oo lagu badalay weeraryahan Mirko Vucinic. Ciyaartaan waxaa Garsoore ka ahaa Mallenco oo u dhashay dalka Spain. Taageerayaasha labada kooxood ee soo xaadiray garoonka Celtic Park ayaa tiradadooda waxaa lagu sheegay in ka badan 60.000 oo qof.

XIDDIGAHA CELTIG VS JUVENTUS AYAA QAABKAAN ISKU QAABILAY :

Celtic Glasgow : Forster – Izaguirre, Ambrose, Wilson, Lustig (59./Matthews) – Commons (73./Watt), Forrest, Mulgrew, Wanyama, Brown (80./Kayal) – Hooper.

Juventus : Buffon – Martín Caceres, Bonucci, Barzagli – Lichtsteiner, Vidal, Pirlo, Marchisio, Peluso (69./Padoin) – Vucinic (86./Anelka), Matri .

*** Dhanka kale kooxda reer France Paris Saint-Germain oo aaday guriga Valencia ee Mestalla-Stadium waxaa kulankaan 1-2 ku soo badisay kooxda Paris Saint-Germain oo xili ciyaareedkaan soo aruursatay Laacibiin qaali ah oo dhoor Qaran u kala safta.

Kulankaan oo la isku guuray mararka qaar waxaa raaxada la iska qaaday Jilaafo balse guusha waxa ay soo raacday kooxda Paris Saint-Germain oo marti ku eheed dalka Spain waxaana kulankaan dabaqa sare ciyaarta ka daawanayay Ciyaaryahan David Beckham oo dhawaan ku soo biiray kooxda reer France ee Paris Saint-Germain

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.