XAL & XISAABTAN.

Faallo-(Rajonews) Mudaaharaadkii Madaxweynaha Soomaaliya looga soo horjeeday ee ka dhacay Wadanka Ingriiska kaasoo oo ay uga Cabanayeen Mudaaharaadayaashu dhowr arimood oo kala ah, Gobolka Banaadir iyo 17kiisa Degmo in ay haysato Hal qolo & sidoo kale illaha dhaqaale ee uu leeyahay.Sida Garoonka Diyaaradhaha iyo Dekedda Magaalada Muqdisho.

Arintaas waxaan ku beeneyneynaa in aan hal qolo haysan ninka u hadlahayey Mudaaharaadlayaasha Beeshiisa ugu yaraan waxaa ka shaqeysa 100 qofood marka leysku daro Garoonka Diyaaradhaha iyo Dekedda Magaalada Muqdisho.

mana aysan dhicin hada ka hor, “Gobolkee ayaad ka timid, ama Gobolkee ayaad shaqo ku leedahay” sidaa daraadeed mar hadaad xusteen idinkoo ah abaabulayaashii Mudaaharaaka in Gobolkii cid kaliya ay iska leedahay dhaqaalihiisa iyo maamulkiisa iyadoo aan kor ku soo xusnay inaan Warkaasu dhab ahayn, waxaan hada kadib aan ogolahay xisaabtan dhab ah. In loo saami qeybsado ilaha shaqo dhamaan Gobolada Dalka oo idil.

“hadii aan ku weydiiyo Gobolka aad ka soo jeedo hadii aad tahay abaabulaha Mudahaaradka yaa idinku weheliya adinka ? yaase ka shaqeeya Dekadda iyo Garoomada Diyaaradaha Bari ama Boosaaso oo aan adinka aheyn,20 kii sano ee lasoo dhaafay dhaqaalihii kasoo baxay Dekadda iyo Garoomada Diyaaradaha Boosaaso yaa idin la wadaagay ? Xisaabtankaas wuxuu ka soo bilaamayaa Maalintii Calanka la qaatay Soomaaliya ilaa iyo hada oo aan joogno, wixii dambi dhacay oo dhan oo ay kamid ahaayeen Howshii aad gaarka ku ahaydeen oo ahayd in aad kaligiin Dalka Madax ka noqotaan sidoo kale waxaa ka mid ahaa Duulaankii Xabashida aad u soo kaxeysateen, waxaa ka mid ah Dadkii Badda lagu daadshay, waxaa ka mida Dastuurkii & Road Map-ki aad Garoowe la aadeen, Dumista Nidaamka kasta oo la dhiso. Hadda wixii ka dambeeya ma ogolaan doono in aad dumisaan Dowlad dhisan. Intii xisaabta lagu kala baxayo il gaar ah ayaan ku hayneynaa ficilkiina & Qowlkiina.

Intaas hadii aan sidaa ku dhaafo, si cad oo muuqata ayaad Madaxweynaha gef ugu sameyseen una aflagaadeyseen, taasoo aad ku tilmaanteen Madaxweynuhu in uusan ahayn Madaxweyne ummada u siman.- waxaa kale oo aad tiraahdeen Madaxweynuhu wuxuu yiri hantidii la kala qaatay 1991di, hala iska daayo oo halaga haro,hadalkaasna anagu ma ogin meesha uu Madaxweynuhu ku yiri. Sidaas daraadeed waxaan u qaadaneynaa Gaf loo geystay Madaxda Qaranka Soomaaliyeed Been abuurkaasna waxaan u gudbineynaa Maxkamada Sare iyo Cadaalada. Waxaana loo eegi doonaa sida uu sharcigu ka qabo in loo gefo Hogaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii waxaa ku talin lahaa in Ummada Soomaaliyeed ay is Cafiso oo wixii dhacay aan ka noqo Xaley Dhaley , taas ayaan ku gaari gaari karnaa Horumar iyo iyo Dib u Heshiisiin dhab ah, Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ilko iyo Carab ayaa isugu Dhow iygana waa is Qaniinaan ,marka aan iska Ilowno wixii dhacay oo aan hadda Furno Baal Cusub.

 

 

 

Wabilaahi Towfiiq.

W/D Cabdikariin Shiikh Yuusuf ( Garyaabis)

Waafi09@hotmail.com

Tel: – 00252618566605

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.