Bandhigga Buugga: DEELLEEYDA QARNIGA IYO DIIWAANKA NABADDA

Galabta oo taariikhdu tahay 17/021013, oo ah maalinnimo Axad ah, waxaa suurtagashay in la qabto Bandhigga Buug suugaaneedkii, ee: DEELLEEYDA QARNIGA IYO DIIWAANKA NABADDA ee ka dhacday Magaalada Zurich ee Waddanka Switzerland .

Xafladda oo si heersare ah loo soo agaasimay, waxaa ka soo qaybgalay dad weyne fara badan ee isugu jiray AQOON YAHANNO, SAXAFIYIIN, DHALLINYARO, HAWEEN, iyo WAXGARAD ku nool Waddanka Switzerland, ee isaga kala yimid guud ahaan Gobollada Dalka Switzerland, sida: Bern, Geneve, Basel, Zug, Luzerno, Friburg, St Gallen.

Xafladda Bandhigga Buugga: DEELLEEYDA QARNIGA IYO DIIWAANKA NABADDA waxaa goobjoog ka ahaa qorayaasha Buugga ee kala ah: Cabdiraxiim H. Galayr iyo Bashiir M. Xersi, oo kana mid ah hal abuurradii  ka qaybqaatay Silsiladda.

Xiriiriyaha xafladda Mudane Axmed Yaasiin Aadan ahna Fannaan ka mid ahaa Fannaaniintii hore ee Soomaaliyeed, ayaa daahfuray Buugga, si habsami lehna u daadihiyey xafladda.

Ka gadaal markii xafladda lagu daahfuray Aayadaha Quraanka Kariimka iyo erayo kooban oo Wacdi iyo Waano isugu jiray ee uu soo jeediyey Sheekh Axmed Alduri, ayaa qorayaasha Buugga ee kala ah: Cabdiraxiin H. Galayr iyo Bashiir M. Xersi, waxa ay si qoto dheer uga hadleen ujeedkii Silsiladda buugga, buugaynteeda iyo hal abuurradii ka qaybqaatay, ee isugu jiray Rag iyo Dumar.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Xaashi Cismaan Keenadiid, oo hadal ku saabsan Kaalinta Suugaanta iyo Qoraalka ka jeediyey madasha bandhigga buugga.

Gabagabadii xafladda, waxaa erayo kooban ka soo jeedshay Guddoomiyaha Jaaliyadda Zurich Marwo Xaawo Nuur Muuddeey oo ku nuuxnuuxsatay kaalinta dumarku ku leeyihiin bulshada iyo kaalinta ragga looga baahan yahay ee ku aaddan Barbaarinta Ubadka.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.