Ha qaadina wadadii 1997-2000 Masuuliyiinta Gedo iyo shacabkow

Walaalyaal waxaa xaqiiqa ah haddii masuuliyiinta Jubooyinka, gaar ahaan Gedo aysan midnimo,  talaasul ,iyo in danta guud wax walbo laga hor mariyo aysan ka dhab ahayn, in aan la gaari doonin nabad, xasilooni iyo maamul ka hana qaado deegaankeena. Sida aan ku cadeeyay maqaal aan qoray 2011, cinwaankiisune ahaa Hujuumka guga iyo haraaga abaarta,, Waxaan in badan ka baqayay in ay is khilaafaan saraakiisha ka howl gasho gobalka Gedo; masuuliyiinta Gedo in ay ku kale xirmaan wadamada deriska ah iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo aan gobalka u dhalan, arinkaane uu keeno in aakhir dhalinta qori la isugu dhiibo oo colaad sokeeye mid ka sii sokeyso ay dhacdo Gedo. Dhacdada noocaa ah horay ayay u dhacday oo shacabka Gedo waa soo martay, waase in wax laga barto oo aan lagu noqon.

 Haatan labada masuul,  Ex xildhibaan Maxamuud Sayid Aadam iyo Gen Cabdullahi Sheekh Ismaaciil in ay idaacadaha isku dhaliilaan mahan ishaar iyo ififaalo wanaagsan. Masuuliyiinta kale joogo Ceel-waaq, Garboharay, Doolow, Kismaayo, iyo Muqdisho ee aan isku mawqifka ahayn waa calaamad kale oo aan wanaagsanayn. Ciidamada gobalka ku sugan oo aan lahayn hogaan midaysan waa arin muujin karto khatar soo socota. Oogu danbayn Salaadhiinta gobalka oo aan laftooda midnimo iyo guurti dhaqan midne lahayn waa arin loo baahanyahay in lagu baraarugo.

Walaalyaal intii aanu isku maqnayn waa nagule maqnaa. Micnuhu waa in cadowgeenu ay fursad u tahay in ay colaad ina dhexmarto. Kale duwanaanshaha fikirka waa wax caadi ah, waase wanaagsan in marwalbo la ilaaliyo midnimada iyo masaalixda guud ee shacabkeena. Guud ahaan shacabka Gedo, gaar ahaan siyaasiyiinta waxaa la gudboon in ay gacmaha is qabsadaan. Karaamadeena, sharafteena, nabadeena, iyo horumarkeena waxaa soo celin karo midnimo siyaasadeed, midnimo dhaqan iyo mid bulsho.

by Maxamuud Sheekh Xasan Aw Cali (Soofe).

Rajonews3@gmail.com

 

One comment on “Ha qaadina wadadii 1997-2000 Masuuliyiinta Gedo iyo shacabkow

  1. walal waa runtaa waa arin mudan in aad midowdaan mida kale sababta idin keneysa in aad tafararuqdaan waxa weye dulmiga aad ka geysateen jubboyinka ama dhul boobka idin ku jira hadad tihin reer gedo sidad u radineysen wax idnan laheyn ayaad cidlo ku so dhacdeen oo galgaduudna waxba kama tihin gedona waxaa idin ku heysta raxanweyn marka waxaa idin ka muuqda calamadahi baqilka ee ahaa wax badso wax beel beey leedahay ninkii gurigisa xaaqo ayaa guri kale kudara intaas ha la ogaado wabilaahi towfiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.