Dhagayso: AMISOM ay la wareegeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

RAJONEWS (MAHADAY)Iyadoo maalinimadii shalay ahayd ay ciidamada miletariga Dawlada federaalka soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa maanta waxaa si rasmi ah loo shaaciyeen in Degmada Mahadaay si buuxda uga jirto gacanta ciidamada Dawlada soomaaliya.

Masuuliyiinta maamulka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in maanta ay la kulmiye doonaan odayaasha dhaqanka degmada Mahadaay ,iyadoona sida la sheegayo haatan ay halkaasi ku soo qul qulayaan saraakiil ka socota Dawlada soomaaliya.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Sidoo kale masuul u hadlay maamulka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in aysan ku ekaan doonin halkaasi balse ay kala wareegi doonaan Alshabab ilaa Xuduuda ay wadaagaan Shabeellaha dhexe Gobolka Hiiraan.

 

Shalay iyo xalay ayaa waxaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan qabsashada Degmada Mahadaay iyo Buurane ,wallow arinkaasi ilaa hada aysan ka hadlin Alshabab oo deegaanadaasi gacanta ku hayn jirtay.

rjonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.