xafladii lugu siisogotinayay gudomiyaha baralmanka (dawo sawo sawirada)

RAJONEWS.Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana lagu sagootinayey wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Jigjiga ayaa caawa lagu qabtay guriga martiga magaaladatan Jigjiga.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad deegaanka Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirrada, maareeyeyaasha iyo Agaasimayaasha maamulka,wafdiga Budoomiyaha Baarlamaanka,waxgarad,odayaal,haween,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan jigjiga.

Munaasabadda ugu horeyn waxa ay ku bilaabatay casho sharaf si heer sare ah loosoo agaasimay ayadoo goob barxad ahna ay ku wada casheeyeen mas’uuliyiinta iyo bulshadii kala duwaneyd ee munaasabadda kasoo qeybgashay waxaana Munaasabadda kadib bilowday ciyaarro Hidaha iyo Dhaqanka kuwaasi oo ay si aad ah u jecleysteen dadweynihii kasoo qeybgalay Munaasabadda ayadoo mas’uuliyiin iyo shacabba si isku mid ah u ciyaarayey ciyaarta Dhaantada loo yaqaan.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay Munaasabadda ayaa ku amaantay dadweynaha iyo madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia mudada kooban ee ay jiraan hormarka ay deegaanka gaarsiiyeen ayadoo hormarkaasina uu yahay mid hada ka muuqda dhulka dowlad deegaanka Jigjigaba

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.