Dhagayso: Ahlusuna oo ka biyo diiday in Ciidamo AMISOM Galgaduud la geeyo

G/Gaduud-(Rajonews) Maamulka Ahlusuna waljamaaca ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay manta si cad uu mujiyeen mowqifkooda ku aadan in ciidamo AMISOM la geeyo gobolka Galgaduud.

sida uu qirayo Sheekh Cumar C/qaadir ka mid ah madaxda Ahlusuna ee galgaduud ayaa waxa uu xusay in Galgaduud ay Ahlusuna ka arimiso oo aysan dowlada iyo AMISOM ka arimin isla markaana iyaga oo aan ogolaansho ka helin aysan imaan karin.

Waxa uu yiri “Galgaduud waxaa qawaarijta kala dagaalamay Ahlusuna meelo ka mid ahana wey joogaan hadii lala dagaalamayo Shabaab waa lo bahanyahay lakin deegaanada nabadaa ee aan anaga maamulo ma imaan karaan ciidanka AMISOM, waxana diidanahay inaga oo nabad ah in aan nala qasi karin”

Wafdigii kasocday Baarlamanka ee dhawana gaaray Galgaduud ayuu si cad u dhaliilay isaga oo ku sifeeyay in ay ahayeen kuwo waday qas iyo dhib ka dhan ah nabada iyo wada jirka shacabka galgaduud, isaga oo dowlada ku tilmaamay in ay arintaan dhaawacayso wada hadaladii labadooda u socday isla markaana arinta ay xildhibaanadu u socdeen ay ahayd shirqool sida u hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha Gudiga Talada ee Maamulka ahlusuna waljamaaca ayaa sheegay inay aysan mucarad dowlada ku ahayn balse ay cadeeynayaan in deegaamada ay gacanta ku ahayaan aysan cidna u hoosstagi doonin dowladana ay wada hadaldii u socday hadii la dhamaystiri waayo ay aayahooda ka tashanayaa.

Dhagayso waraysi xiiso badan oo shuuqu bixiyay

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.