Dhagayso: Qurba Joog lagu eedeeyay in ay dalka Somalia galiyeen passaboro Been Abuur ah

Muqdish0-(Rajonews) Taliyaha waaxada socdaalka iyo jinsiyadah xukumada Soomaaliya Genaral C/laahi Gaafow Maxamuud oo warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in  mudooyinkii ugu danbeeyey ay magaalada Muqdisho ay ku soo badanayeen baasabooro bug ah kuwaas oo ay wataan dadka qurbojoogta ah ee dib ugu soo laabanaaya gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in loo adeegsanayey sidii dadkale loogu bixin lahaa oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo siyaabo kala duwan ugu sugan gudaha soomaaliya.

Gaafow waxaa  uu baaq u jeediyey dadka qurbojoogta ah ee dalka dib ugu soo laabanaya in ay adeegsadaan baasabooro sax ah  isla markaana ay ilaaliyaan Sharciga iyo nidaamka dalka si loo xakeemeeyo in dalka ay soo galaan dad haysta sharciyo aan sax ahayn.

Hadalka ka soo yeeray Waaxda socdaalka ee Soomaaliya ayaa imanaysa xili ay soo kordhayaan Qurba joogta dalka dib ugu laabanaya kuwaas oo doonaya in ay dalka dib ugu laabtaan. taasina waxa ka qayla dhaminaya waxda socdaalka o mujinaysa in dad is xanbaar sharci daraa lagu qaadayo passaboro sharci daraa.

Gaafoow ayaa horay lloogu eedeeyay in uu passaborada Soomaalida uu si xaraasha ah uga iibiyo dadka balse iminka isaga ayaa dadka ka cabaadaya.

Dhageyso Hadalka Gaafoow.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.