Jaamacada carabta oo golaha amaanka QM ka dalbaday in cunaqabateynta hubka ah laga qaado Soomaaliya

Muqdisho(rajonews)Kadib kulan ay ku yeesheen Baarlamaanada ku jira Jaamacada Carabta Magaalada Qaahira ee dalka Masar,ayaa waxay kaga hadleen arinta cuna qabateynta Saaran Soomaaliya iyo sida ugu fudud ee loogu qaadi karo cuna qabateynta dhanka hubka ah ee Soomaaliya saaran.

Shirka Baarlamaanka Jaamacada Carabta ku yeesheen magaalada Qaahira ayaa loogu baaqay Golaha Ammaanka inay Soomaaliya ka qaado  cunaqabateynta hubka si ay u suurta gasho in Soomaaliya qalabeysato ciidamadeeda Qaranka.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka Baarlamaanada Jaamacada Carabta ayaa kulanka ka sheegay in si weyn loo taageero  sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya,iyo hanaanka Nabada lagu raadinayo ee xilagan soomaaliya hardanka ay ugu jirto.

Mas’uuliyiintii ka tirsanaa Jaamacada ee shirka Goob joog ahaa ayaa cod dheer golaha amaanka ugu dhawaaqay in Soomaaliya hormarkeeda iyo dib u dhiskeefa ciidamadeeda qaranka ay ku xiran tahay in cunaqabateynta hubka ah laga qaado.

Dowlada Soomaaliya ayaa horay  marar badan u dalbadatay in laga qaado cunaqabateynta hubka ah ee Soomaaliya,balse taasi ayaa suurta galiweysay.

Wali ay taagan tahay dooda ku aadan arintaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobayna loo baahan yahay in xal buuxa laga gaaro.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.