AC Milan ayaa talaabo muhim ah u qaaday wareega 8da ee koobka Champions League ka dib markii ay 2-0

RAJONEWS.Kooxda ku guuleysatay 7da jeer koobka Champions League ee AC Milan ayaa talaabo muhim ah u qaaday wareega 8da ee koobka Champions League ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen kooxda Barcelona oo marti ku aheyd San Siro lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Barcelona ayaa ciyaarta ku bilaabatay iyadoo kubada inteeda badan heysata, islamarkaana ciyaarayay kubadooda isku dhiibdhiibka ah, laakiin AC Milan oo qeybtii hore inta badan daafac ku jirtay ayaa heshay fursadihii ugu fiicnaa ee qeybtii hore.

Daqiiqadii 14aad ayaa El Shaarawy waxaa loo dhex bixiyay kubad qatar ah isagoo goolka ka soo galay dhanka bidix laakiin waxa uu ka daahay inuu darbo la tiigsado shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Valdes waxaana ku soo gaaray Puyol oo ka bixiyay.

Koonerkii ay heshay Milan ayaa El Shaarawy uu kubad baas dheer u soo dhigay Boateng oo afka hore ee diilinta ganaaxa taagnaa, kaasoo isna kubad qatar ah goolka la abaaray, laakiin si ciriiri ah ayay ku agmartay.

Daqiiqadii 34aad ayaa sidoo kale karoos qatar ah oo uu soo dhigay Boateng oo goolka hortiisa waxaa seegay El Shaarawy taasoo u ogolaatay in Valdes uu gacanta ku dhigo kubada.

Waxaana qeybtii hore oo Barca ay kubada inteeda badan heysatay iyo Milan oo fursadihii ugu fiicnaa abuurtay lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah
rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.