Afhayeenka AMISOM “Ciidanka Dowladda ee tababarka kusoo qaatay uganda duulaanka ayeey qeyb ka noqonayaan”

Muqdisho(Rajonews)Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Cali Aadan Xumad oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhawaan tababarka kusoo gaba gabeestay dalka Uganda dalkana dib ugu soo noqday ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka ka socda Gobalada dalka.

Wuxuu sheegay in ciidamadaasi si gaar ah loo geyn doono deeganada Gobalka Shabeelaha hoose oo qorshaha uu yahay in dhawaan ciidamada Shabaab ee Gobalkaasi ku sugan laga saaro.

“Ciidanka Dowladda ee kusoo tababartay Dalka Uganda waxa ay usoo tababarteen dalkooda iyo dadkooda waxa ayna qeyb ka noqon doonaan howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab”Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa wxuu ugu baaqay ajaanibta ku sugan dalka Soomaaliya ee Shabaab ka barbardagaalama inay isaga baxaan dalka Soomaaliya sidoo kalena ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo.

Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ciidanka AMISOM qorshaha dalka Soomaaliya ay ujoogaan ay tahay nabadkusoo dabaalida dalka Soomaaliya iyo sidii dalka Shabaab looga saari lahaa.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.