Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye,iyo golihisa wasirada kaladabiray

 

RAJONEWS(SOMALILAN)Inkasta oo aan War Rasmi ah laga soo saarin kulankii xalay labada dhinac ku dhex maray Madaxtooyadda, hadana waxa ay Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Waaheen u xaqiijiyeen in la isla qaadaa dhigay waxyaabo badan oo ku saabsan Khilaafkooda iyo sidii looga bixi lahaa, waxaana Warka ugu culus ee ay sheegeen Ilo wareedyadaasi ahaa in Hogaanka Kulmiye Madaxweyne Siilaanyo u tala-saarteen in ku hogaamiyo Qorshe kasta oo uu kaga saari karo xaalada Xisbigu galay iyo ta Dalka ka jirtaba.

Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo ka koobnaa Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed iyo C/raxmaan Talyanle ayaa la sheegay Madaxweyne Siilaanyo judhiiba inay ka dalbadeen Cafis isla markaana ay ka raaligeliyeen Hab-dhaqankoodii Habeenkii u danbeeyay ay ka sameeyeen Hortiisa kadib markii uu kulan siiyay iyaga iyo Wasiir C/casiis Samaale oo ay uga cawdeen.

Sidoo kale waxa la sheegay Madaxweyne Siilaanyo inay ka dalbadeen in uu Tubta Toosan ku hogaamiyo isla markaana uu muujiyo sidii uu Xisbiga dib isugu qobtoli lahaa maadaama khilaafkoodu gaadhay halkii ugu hoosaysay, waxaanay u soo jeediyeen inay ka tanaasulayaan wax kasta oo abuuri kara fawdo kale oo la soo darista taasoo Guul-darro u horseedi karta Guushii ay Talada Dalka

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.