Dagaal xoogan oo ka dhacay Janaale iyo Saraakiisha oo ka hadlay

Muqdisho(Rajonews)Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii xoogaga Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen deegaanka Janaale ee Gobalka Shabeelaha hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Bashiir Cabdi Maxamed oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee deegaanka Janaale  ayaa wuxuu sheegay in dagalkaasi ay ku dileen saddex kamid ah Shabaab halka sidoo kale saddex kale ay ku dhaawaceen.

Wuxuu sheegay in Shabaab weerarka dagaalka ah ay soo qaadeen balse aysan kala kulmin ujeedkii ay lahaayeen isaga oo sheegay in dagaalkaasi ay ku jabeen Shabaab.

Meydadka saddexda ruux ay ka dileen ayaa wuxu sheegay inay iminka yaalaan Bartamaha Janaale halkaasi oo ay kaga carareen sida uu sheegay Bashiir Cabdi Maxamed oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee deegaanka Janaale.

Kasokoow warka kasoo baxay saraakiisha ciidanka Dowladda ee Deegaanka Janaale ayaan jirin ilo ka madaxbanaan oo xaqiijinaya guulaha ay sheeganayaan.

Saraakiisha Shabaab ilaa iyo iminka kama aysan hadlin dagaalka xalay ka dhacay bartamaha Magaalada Janaale ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.