Dhageysiga kiiska wariye C/casiis Koronto oo maanta ka furmaysa maxkamada Gobalka Banaadir+Dhageyso

Muqdisho(Rajonews)Waxaa maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan maxkamada Gobalka Banaadir ka bilaabanaysa dhageysiga dacwada wariye C/casiis Koronto iyo sidoo kale haweenaydii sheegtay in la kufsaday.

Sida uu sheegay Abukaate Maxamed Maxamuud Afrax oo kamid ah qareenada udoodaya kiiska wariye C/casiis Koronto dhageysiga dacwada ayaa maanta dib ubilaabmeysa iyadoo la eegayo racfaankii dhawaan maxkamada Gobalka ay ka qaateen kiiska wariyaha qareenada udoodaya wariye C/casiis iyo haweenayda sheegatay in la kufsaday.

Abukaataha ayaa sheegay in maanta ay soo bandhigayaan cadeymo badan oo markii hore aysan usuuragelin inay soo bandhigaan taasi oo qeyb ka noqoneysa waxyaabaha ay ku difaacayaan wariye C/casiis Koronto iyo haweenayda.

HALKAAN KA DHAGEYSO ABUKAATAHA OO KA HADLAAYA DHAGEYSIGA DACWADA

Sidoo kale Abukaate Maxamed Maxamuud Afrax ayaa muujiyay rajo wanaagsan inuu kasoo baxo maxkamada Gobalka Banaadir kaasi oo ku dheehan cadaalada.

Wariye C/casiis iyo haweenayda sheegatay in la kufsaday ayaa la xukumay 5-Bishii February iyadoo lagu xukumay wariyaha iyo gabadha min halsano oo xarig ah.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.