Dowladda oo isku xirtay amniga iyo waxbarashada

Muqdisho(Rajonews)Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hadii aan waxbarasho la helin uusan imaan karin amni muhiimada koowaadna la siiyo waxbarashada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Dr Maryan Qaasim ayaa sheegtay in hadii dhalinyarada Soomaaliyeed si wanaagsan loo baro qiimaha ay leedahay waxbarashada kadib uu imaanayo ammaanka.

Waxa ay sheegtay wasiirka in waxbarashada ay tahay muhiimada koowaad balse aysan wanaagsaneyn in lagu mashquulo ciidan nabadsugida iyo amni intaba.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayeey sheegtay inay ubaahan yihiin waxbarasho wanaagsan si ay ufahmaan ammaanka iyo kala dambeynta waxa ay tahay balse aysan muhiimad laheyn in marka hore lagu deg dego ammaan iyadoo dhalinyarada fekerka qaldan laga saarin.

Dalka Soomaaliya tan iyo markii Dowladii dhexe ee dalka ay burburtay waxbarashada dalkeena ma aysan laheyn ahmiyad gaar ah iyadoo goobo si gaar ah loo leeyahay ay ku dadaalayeen inaysan lumin waxbarashada dalka.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.