Maxkamada racfaanka oo dib udhigtay kiiska wariye C/casiis dood dheer kadib

Muqdisho(rajonews)Waxaa maanta Magaalad amuqdisho ka furmay kiiska wariye C/casiis Cabdi Nuur Koronto iyadoo qareenada udoodaya wariyaha ay soo bandhigeen cadeymo ku aadan kiiska wariyaha.

Dood dheer kadib maxkamada racfaanka Gobalka Banaadir ayaa go’aan cad ku qaadatay in dib loo dhigayo kiiska wariye C/casiis Cabdi Nuur ibraahin maadaama kiiskiisa uu yahay mid culus islamarkaana loo baahan yahay in dib maxkamada ay usoo eegto.

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobalka Banaadir Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in maanta dib loo dhigay kiiska wariyaha dibna la isugu soo noqon doono maalinta arbacada ee todobaadka soo socda.

Sababaha dib udhigista dacwada ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay in kiiska wariyaha uu yahay mid adag islamarkaana loo baahan yahay in si wanaagsan looga fiirsado.

Wariye C/casiis Koronto ayaa horay waxaa xukun ugu riday Maxkamada Gobalka Banaadir iyadoo 1-sano oo xarig ah lagu riday isaga iyo haweenay sheegatay inay kufsadeen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Abukaate Maxamed Maxamuud Afrax oo ah qareenka udoodaya Wariyaha iyo gabadha sheegatay in la kufsaday ayaa wuxuu sheegay inuu rajenynayo in kiiska wariyaha uu si cadaalad ah udhaco.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.