Qoysas kala xaajoonaya Al Shabaab sii deynta lahaystayaal Kenyaan ah

Muqdisho(Rajonews)Qoysaska shan Kenyaan ah oo gacanta ugu jira Al-shabaab,ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay kula hadlayaan  Al-shabaab oo ku aadan wiilashooda oo gacanta ugu jira Al-shabaab, islamarkaana la kulmaya baqdin dhanka nolosha,maadaama horay Al-shabaab hanjabaad u jeediyeen.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya ayaa si weyn wax ugu qorayay warkaan oo ku aadan in Qoysaska shan Kenyaan oo Al-shabab haaysta ay damacsan yihiin inay wada hadal la furtaan Al-shabaab si ay  u xaqiijiyaan sii deynta wiilashooda oo Al-shabaab in mudo ah gacanya ugu jira.

Wargeyska The Star oo soo xiganaya Andrew Mwangura oo Xoghayaha Guud ee Midowga maaxiyiinta Kenya,ayaa xaqiijiyay arintaan ku aadan inay jiraan qoysas Kenyaanti ah inay damacsan yihiin inay la xaajoodaan Al-shabaab,Madaama dowlada Kenya dalabaad loo jeediyay ay fuliweysay.

Lama oga qaabka uu u dhacayo wada xaajoodka dhexmari doona Shabaab iyo qoysaska Kenya iyo waxuu soo kordhin doono.

Hadalkaan ka soo baxay Qoysaska Kenyaatiga ee Carruurtooda Shabaab ay haaystaan ayaa ku soo aadayaa,iyadoo maalin kahor ay ku ekeeyd dalabaadkii shabaab ay u jeediyeen Kenya,balse aan waxba kasoo naasa cadaan oo kenya ay ku kacan seertay.

Shabaab ayaa horay markii dalabaadkii ay u dirsadeen Kenya ay ka waayeen waxay qaarijiyeen sida ay sheegeen askari ka tirsan Kenya,kaasi oo dagaal ay ku soo furtaan,balse dowlada Kenya arintaasi ay beenisay islamarkaana Afduub shabaab ay u soo qabsadeen.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.