Wasiirka arimaha dibada oo sheegtay in Golaha ammaanka ay kala hadashay sidii cunaqabateynta Soomaaliya looga qaadi lahaa+Dhageyso

Muqdisho(Rajonews)Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo warbaahinta kula hadlaysay Magaalada Muqdisho xilli ay maanta dalka dib ugu soo noqotay ayaa sheegtay khudbad ay ka jeedisay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga hadashay sidii Soomaaliya dhanka cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa.

Sidoo kale Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegtay in masuuliyiin ka tirsan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kawada hadleen sidii loo dhisi lahaa ciidanka badda ee Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOOMAALIYA

Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay sidii ciidanka badda ee Soomaaliya ay awood ugu yeelan lahaayeen la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida taasina ay ku imaan karto in dib udhis ballaaran lagu sameeyo ciidanka badda ee Soomaaliya.

Dhamaan wadahadalada ay lasoo yeelatay masuuuliyiinta ka tirsan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayeey sheegtay inay meel wanaagsan marayaan dhawaana natiijadooda ay soo bixi doonaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa iminka ku dadaalaysa sidii dalka Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta dhanka hubka ee saaran maadaama 1991 ilaa iminka ay saaran tahay Soomaaliya.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.