Afhayeenka AMISOM oo ka hadlay qaraxyada Shabaab Muqdisho ka geestaan

Muqdisho(rajonews)Isaga oo warbaahinta kula hadlay afhayeenka ciidamada AMISOM Magaalada muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay qaraxyada ciidamada Shabaab ay ka geestaan Magaalada Muqdisho.

Cali Aadan Xumad ayaa wuxuu sheegay in qarxayada ciidamada Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho aysan waxba udhimeyn ammaanka Magaalada caasimada ah Soomaaliya.

Afhayeenka AMISOM ayaa wuxuu sheegay in Shababa ay yihiin dad kaliya u taagan qal-qalgelinta ammaanka Magaalda caasimada taasina aysan ka yeeli doonin.

Qaraxii dhawaan ay ka geesteen xeebta liido gaar ahaan Baar Liido ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay mid ammaanka ay ku cabsi gelinayaan.

Sidoo kale afhayeenka AMISOM ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay isku furi doonaan wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale baydhabo oo iminka bartamaha ay ka fahdiyaan Shabaab.

Afhayeenka AMISOM ayaa dhowr jeer ku celiyay inay isku furi doonaan wadooyinka Gobalka Shabeelaha hoose iyo Magaalada Baydhabo ee Gobalkaasi baay.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.