Burcad badeed Maxkamadeyntooda ay ka bilaabatay dalka Mareykanka
Muqdisho(Rajonews)Maxkamadeynta shan nin oo burcad badeed Soomaali ah ayaa si rasmi ah kaga billaabatay magaalada Norfolk ee dalka Mareykanka.
Rasaasta ay isweedaarsadeen burcad badeeda iyo ciidamada markabka la weeraray ayaa sababay geerida hal ruux,iyadoo dhanka kale dhaawacyo aan la cayimin ah jiraan.
Benjamin Lucas Hatch oo ka tirsan dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ujeeddadoodu aysan markii hore ahayn burcad badeeddu inay weeraraan markabka ciidamada, hase yeeshee ujeedkooda ahaa inaay qafaashaan markab ganacsi si ay Lacag madax furasho ah uga qaataan.
Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan todobaadka kale dib loo dhageysan doono,iyagoo la isugu yeeri doono Saraakiil Badbaaxiyiin Mareykan ah.
Sida warar hor dhac ah oo ka soo baxayo Maxkamada lagu helayo ayaa waxay sheegayaan in hadii ragaan lagu helo falkaan lagu eedeeyay ay wajihi doonaan xabsi daa’in.
Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa dhankooda faa’idada ay ka helayaan lacagta madax furashada ah waxaa barbar socda qasaaro ka soo gaara weerarada ay qaadayaan oo ah in gacanta lagu dhigo ama la dilo.
