Ciidamada AMISOM oo dilay sarkaal ka tirsanaa Dowladda

Muqdisho(rajonews)Dilka sarkaalkan ayaa wuxu ka dambeeyay kadib markii gaadiidka Amisom mid kamid ah uu dulmaray sarkaalka xilli uu ku sugnaa Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Hilowle Ciise Hagareey, oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Shabeelaha hoose ayaa usheegay Raadiyaha Dowladda in dilkaan uu dhacay xalay maqribkii kadib markii sarkaalka isaga oo lugeynaya uu dulmaray gaadiidka AMISOM.

Intaasi kadib ayaa wuxu sheegay in sarkaalka dhaawac ahaan loola soo cararay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu ku geeriyooday kadib la tacaalid dhanka caafimaadka ah.

Sarkaalka ciidanka AMISOM ay dileen ayaa waxa uu magaciisa ku sheegay C/salaan Sheikh Hilowle,islamarkaana uu ka tirsanaa guutada sadexaad ee ciidamada dowlada ee ku sugan Shabeelaha Hoose.

Wuxuu tilmaamay in ciidanka falkaan dilka ah geestay xitaa aysan istaagin oo ay iska sii dhaqaaqeen balse ay garanayaan halka uu yahay fariisimadooda ayna wadaan baaritaano ku aadan ujeedka arintaan ka dambeysay.

Gaadiidka Amisom ayaa xilliyada qaar waxa ay ku socdaan xawaaro dheeraya iyaga oo ka cabsanaya inay la kacday miino.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.