Haweenay ka timid qurbaha oo Muqdisho ku kaxeysa gaari Bi-el ah+Sawiro

Muqdisho(Rajonews)Magaalada Muqdisho oo tan iyo markii ammaanka Magaalada uu soo hagaagay ay dib ugu soo noqonayeen qurba joog badana ayaa xilligan waxaa la dareemaya nabad iyadoo taasi ay keenta in haweenka ay kaxeeyaan gaadiidka raaxada iyo kuwa bi-elka.

Maama Xabiiba oo kamid ah hooyooyinka dalka dibadiisa dib uga soo noqday ayaa xiligan waxa ay kamid tahay hooyooyinka kaxeeya gaadiidka Bielka ee ka dhaxshaqeeya Magaalada Muqdisho.

Maama Xabiiba ayaa sheegtay in qurba joogta Soomaaliyeed ay ufureyso wado cusub taasi oo ah in haweenka ay ka shaqeyn karaan gaadiidka minibuska ah.

Maama Xabiiba ayaa waxaa ay kaxeysaa hadda baabuur Mini bus ah oo ka shaqeeya wadada isku xirta Xamar Weyne iyo Isbitaal Banaadir.

 

 

Qurbojoog badan oo dalka dib ugu soo laabatay ayaa mihnado badan ka sameeyay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, qaar badan ayaa ganacsi abuuray iyadoo ganacsigaana ay yihiin kuwo kala gedisan sida baararka,hotelada iyo meherado kale.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.