Madaxa hay’adda USAID ee Mareykanka oo Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha

Muqdisho(Rajonews)Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxa Hay’adda USAID ee gargaarka dalka Mareykanka Dr Rajif Shah iyo xubno ka tirsan hay’addaasi.

Markii uu kasoo dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay halkaasi kulan kuwada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ay saxaafada banaanka ka taagneed ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa siwadajir ah waxyaabihii la isugu soo hadal qaaday saxaafada warbixin kasiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dr Rajif Shah.

Dr Rajif Shah oo hadlay ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka sameynayaan mashaariic kala duwan oo dhanka beeraha iyo sidoo kale dhalinyarada wax loogu qabanayo si wax soo saarka dalka Soomaaliya looga faa’iideesto.

Wuxuu sidoo kale Dr Rajif Shah sheegay in Soomaaliya ay ugu deeqayaan lacag dhan 20 million oo doolar oo lagu fulinayo mashruucyadaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay inuu aad uga mahadcelinayo booqashada uu Soomaaliya maanta ku yimid Dr Rajif Shah oo ah madaxa Hay’adda USAID ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale wuxuu ka mahadceliyay deeqda ay Soomaaliya ugu deeqeen taasi oo ku tilmaamay mid muujinaysa sida ay ugarab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Dr Rajif Shah iyo sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay kulan ugu soo wada qaatay dalka Mareykanka markii Madaxweynaha uu booqasho ku tagay dalkaasi iyaga oo kawada hadlay sidii USAID ay Soomaaliya taageero ugu fidin laheyd.

Rajonews3@gmail.com

One comment on “Madaxa hay’adda USAID ee Mareykanka oo Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha

  1. Madaxa HAYH’ADA US AID iyo Xasan Sheekh Maxamuud kulan gegida Diyaaradaha Muqdisho

    Waa wixii la sheegayay; cidii timaadaba gegida ku qaabil. War dowladaan ninka hogaaminayo protocol loogama sheekayn miyaa? Dadka la shaqeeya asxaan ha u sameeyaan hana ka taliyaan cawaaqibxumada arimaha noocaan oo kale ah.

    Madaxwayne X. Sheekh Maxamuud 20 million US Dollar ka badan wuxuu ka dhalin karaa iyada oo shirkadaha waaweyn sida korontada, taleefanada, gaadiidka, xawilaadaha iwm la cnashuuro; 100 sanadkii way ka soo xarayn karaan. Ka dib umaba baahno inay hay’ad deeq US AID, FAO, WFP iyo quran kale la kulmaan; xaqiiqdii, albaabadaba ha u xiraan.

    Farmaajo haduu waqtigaan joogi lahaa 200 million US Doolar wuxuu soo xarayn lahaa hadaba 20 million wuxuu ka keenay la wareegii duulimaadka hawada Soomaaliya, khadka bada Soomaailya, maamulka dekadaha iwm iyo gegida Xamar.

    Wariyeyaasha Soomaaliada ee aan alifka aqoon ayaa u sabab ah inuu Madaxwayne Xasan wali daba taagnaado aid agencies. Waa fadeexo iyo dib u garasho 1991. Waa ayaan daro.

    Idaacadaha, gaar ahaan kuwa qoraalka, waa inay talo iyo tusaale bixiyaan oo curisyo iyo maqaalo macno xambaarsan soo bandhigaan.

    Mahadsanidii

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.