Madaxweynaha Soomaaliya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Japan ee Soomaliya
Muqdisho(Rajonews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku qaabilay Safiirka cusub ay dowladda Japan u soo magaacwday Soomaaliya
Kadib markii uu ka gudoomay waraqadaha shaqadda ayuu Madaxweynaha sheegay in dowladda Japan ay ka mid tahay dowladdaha Soomaaliya toos ula xariira. Japan ayaa waxaa ay Soomaaliya ku bixisay ilaa qarash dhan $200milyan si Soomaaliya nabadda dib loogu soo celiyo.
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha sheegay in dalal gaaraya 20dal ay Soomaaliya u soo magacabeen Safiiro, kuwa kalena ay soo magacaabi doonaan. Taasna waxa keenay horumarka xagga amniga ay ka gaareen dhamaan ciidamadda qalabka sida iyo kuwa Midowga Afrika.
Safiirkaan cusub ee dalka Soomaaliya ay usoo dirsatay Japan ayaa wuxuu qeyb ka noqonaya safiiro dalka Soomaaliya ay usoo dirsanayaan Dowladdaha caalamka ee dalka Somaaliya daneeya.
Dhawaan ayeey aheyd markii Dowladda Uganda ay sheegta inay dib ufuranayso safaaradeeda dalka Soomaaliya muddo 22-sano kadib.
Rajonews3@gmail.com



