Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka Kismaayo oo socota iyo kala aragti duwanaansho taagan(Warbixin)

Muqdisho(rajonews)Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan furmashada shirka maamul Gobaleedka loogu dhisayo Gobalada Jubbooyinka.

Magaalada waxaa kusii qul-qulaya ergooyin kala duwan oo ka kala yimid Gobalada dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobalada Jubbooyinka iyo Magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhamaantood doonaya ka qeybgalka shirka Kismaayo 23-bishaan ka furmaya.

Inkastoo shirka Kismaayo mid lidi ku ah qaban qaabadiisa ay ka socoto Gobalka Gedo ayaa masuuliyiinta maamulka KMG ah ee Kismaayo waxa ay sheegayaan inay qabanayaan shirka maamul usameynta Jubbooyinka.

Siyaasi Cali Maxamuud Faarax Seeko oo horay uga mid ahaa Baarlamaankii KMG ayaa talo ahaan ujeediyay maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo inay joojiyaan shirka ay furayaan 23-bishaan oo labo cisho kaliya ay ka harsan tahay.

Sababaha uu ku sheegay in shirkaasi la joojiyo ayaa wuxuu ku tilmaamay in Gobalada Jubbooyinka dhan aysan kuwada sugneen ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Shalay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeedo Gobalada Jubbooyinka ayaa waxa ay ku baaqeen in la joojiyo shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee Dowladda Soomaaliya oo goor sii horeysay la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo uu yahay mid khilaaf ka abuuraya beelaha wada daga Gobalada Jubbooyinka.

Waxaa muuqato in khilaaf iyo kala feker duwanaansho ay ka muuqato beelaha wada daga Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo kuwaasi oo muujinaya in hadii shirka uu furmo guul ay tahay halka qaarna ay muujinayaan inuu khilaaf ka dhexdhalanayo.

 Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.